Nin isku dayay inuu xado diyaarad oo ay ku burburtay
Shaqaale ka tirsan shirkad diyaaradeed ayaa la baxsaday diyaarad aysan saarnayn wax rakaab ah kaddibna waxay ku burburtay jasiirad aan sida uga foggeyn garoonkii uu kala baxsaday diyaaradda.
Shaaqalahan ayaa diyaaradda kala goostay garoonka diyaaradaha ee Seattle ee waddanka Mareykanka.
Diyaarad kuwa dagaalka ah ayaa ceersatay diyaaradda lakinse lama ogo inuu ka badbaaday iyo in kale diyaaradda uu xadi rabay ee burburtay ninkaasi.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Booliska waxay sheegeen in dhacdadani aysan ahayn mid argagixiso islamarkaasna ninka uu kamid yahay dadka deegaanka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo kolba dhinac u duulaysa hawada sare.







