You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ardayad ayaa maalinteedii farxadda la wadaagtay yaxaas ay quudin jirtay
Marka ay ardayda qalinjabinayaan waxaa caado u ah in ay sawirro iska qaadaan, balse gabadh ka qalinjabinaysay jaamacad ku taala dalka Maraykanka ayaa gashay sawirro xusuus gaar ah ku leh iyada, dadkii kalena micno u samaysay.
Mekenzie Noland ayaa ardayad ka ahayd jaamacada Texas ee A&M, waxayna ku taqasustay cilmiga duurjoogta iyo kalluumaysiga, waxayna sawirro la yaab leh lasoo gashay yaxaas 4 mitir dhan.
Waxa uu yaxaaskani ka mid ah 450 yaxaas oo lagu hayay xarunta Beaumont, halkaas oo ay gabadhani u joogtay waayo-aragnimo shaqo, islamarkaasna ku quudin jirtay.
Yaxaaska ayaa gabadha bar yaqaana, marka ay magaciisa ugu yeertane waa uu u shanqaraa, marka ay gacanta u haadisane dhankeeda ayuu soo aadayaa.
"Maalin kasta ayaan biyaha la galaa xayawaankaas, waxa uu ka mid yahay saaxiibadayda ugu qaalisan" ayay tiri.
Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa ka falceliyay sawiradda, waxayna gabadhan sheegtay in ay ku faraxsantahay sida ay dadka uga jawaabeen.