Maxay qoonsadeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee Pakistaan?

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaadda Pakistan Shahbaz Shariif iyo Maulaana Fazul Raxmaan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaadda Pakistan Shahbaz Shariif iyo Maulaana Fazul Raxmaan

Tiro ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee dalka Pakistan ayaa diiday in ay aqbalaan natiijada horu dhac ah ee ka soo baxday doorashadii guud ee dalkasi ka dhacday Arbacadii.

Hogaamiyaha xisbigii horey u hayn jiray talada dalkaasi ee loo soo gaabiyo PMLN, Shahbaz Sharif, ayaa sheegay in ay wali ka wada xaajoonayaan in ay qaadacayaan baarlamaanka dalkaasi iyo in kale.

Natiijooyiinka ayaa ilaa hadda muujinaysaa in xisbiga ciyaaryahankii horey u ciyaari jiray ciyaarta Kirikitka Imran Khan uu helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

Axsaabta tartanka adag kula jirtay xisbiga PTI ee uu hogaamiyo Cimraan Khan oo ku horreeyo cadadka la tiriyay kuna dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi Pakistaan ayaa waxaay ku eedeeyeen inuu doorashada ku shubtay.

Kaddib kulamo ay si wadajir ah ugu yeesheen magaalada Islambad ayaa hoggaamiyaha axsaabta siyaasadda ee Pakistan waxa uu sheegay inay bilaabayaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan natiijada horudhaca ah ayna dalbanayaan doorashooyin ku celis ah.

Natiijada ilaa iyo haatan la shaaciyay ayaa muujinaysa in xisbiga xiddigii hore ee ciyaarta Kirikitka ee Pakistan, Imran Khan ay ku horeeyaan kuraasta baarlamaanka.

Hoggaamiyaha axsaabta siyaasadda Fazlu Raxmaan ayaa sheegay in guusha la iska qaatay balse aanan lagu guuleysanin.

wuxuu ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray doorashada lagu shubtay.

Taageerayaasha Cimraan Khan oo uu dabaadegaya guusha

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Cimraan Khan oo uu dabaadegaya guusha

Hoggaamiyeyaasha ksoo horjeedo natiijada doorashada ayaa waxaa ka mid ah hoggaamiyihii hore ee xisbiga PML-N kaasi oo kolsii horyesay sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb noqdo axsaabta diidan natiijada.

Ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga PMLN Axsaan Iqbal ayaa BBC u sheegay in xisbigooda ay ka jawaabi doonaan walaaca ka taagan natiijada horudhaca ah ee doorashada.

Dhanka kale, Shahbaz Sharif, oo walal la ah Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo xabsi ugu jira eedeymo musuqmaasuq ayaa sheegay in xisbigiisa uu wali go'aansanayo inuu qaadaco natiijada doorashada iyo in kale.

Hogaamiyaha axsaabta siyaasadda Pakistan Maulaana Fazul Raxman oo dhinac fadhiyay Shahbaz shrif ayaa sheegay inay aasaasayaan dhaqdhaqaaq qaban qaabiyo doorasho ku celis ah.