Imran Khan oo baaq u diray shacabka iyo mucaaradka Pakistan

Imran Khan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Imran Khan

Xiddigii hore ee ciyaarta Kirikitka ee Pakistan, Imran Khan, oo lagu wado in uu noqdo ra'sul wasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in uu samayn doono baaritaano ku aadan eedeeynta ay soo jeediyeen mucaaradka ee ku ah in doorashada lagu shubtay.

Mr Khan oo khudbad si toos ah uga jeediyay telefishinka ayaa sidoo kale balanqaaday in aysan jiri doonin aargoos siyaasadeed oo ka dhan ah dadkii ay iska soo horjeedeen.

Natiijooyiin qaar ayaa muujinaya in xisbigiisa laga yaabo in uu noqdo xisbiga leh xubnaha ugu badan ee aqalka baarlamaanka.

Mr Khan ayaa siyaasiyiintii la tartamaysay ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay taageeraan si Pakistan loo hormariyo.

Mr Khan ayaa dhanka kale balanqaaday in xiriirka Mareykanka ay la yeelanayaan uu noqon doono mid faa'ido ay ugu jirto labada dhinac ba.

Xiriirka Pakistan iyo Hindiya oo ay horey u dhexmartay colaad gaamurtay ayaa mar uu ka hadlayay waxa uu farta ku fiiqay in muranka labada dal u dhaxeya ee ku saabsan Kashmiir ay tahay in ay ku xaliyaan qaab wadaxaajood.

Dadkii ka soo horjeeda Imran Khan ayaa waxa ay sheegeen in ay jirtay ku shubasho dhanka codadka ah oo loogu xaglinayay Mr Khan.

Guddiga doorashada ee dalka Pakistaan ayaa lagu wadaa in ay natiijada doorashada shaaciyaan maanta oo Jimco ah.