You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waxaa soo baxay sawirro ashqaraar leh oo ku saabsan 20 sano kadib safaaraddii Eritrea ee Itoobiya
Safaaradaha waxa ay astaan u yihiin xiriirka labo dal, marka laga hadlayo labada dal ee dirirta culus ay dhexmartay ee Itoobiya iyo Eritrea, safaaradahooda waxa ay ahaayeen kuwa xiran muddo 20 sano ah.
Ma jirto meel ka habboon oo looga tusaale qaadan karo sida uu u daxalaystay xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal oo aan ka ahayn sawirrada BBC-da ay maanta ka qaadday safaaradii Eritrea ee Addis Ababa ee lagu wareejiyay madaxweyne Isaias Afeworke, waxaana wehliyay Ra'isulwasaare Dr Abiy Axmed.
Sawiradda waxa ay ahaayeen kuwa lagu ashqaraaro, wax kasta oo safaaradda yiilayna waxaa fuulay boor aad u badan, gidaarada waxaa qabsaday xuub caaro, mana ka muuqanin wax saan bini'aadam ah oo halkaasi jaan dhigtay tan iyo intii safaaradaas la xiray 20 sano ka hor.
Xitaa baabuurtii safaaradda iyaga oo daxalaystay ayay ooleen gudaha safaaradda, qeybta jiifka ee safaaradda weli waxaa dhex yaala sawirrada qoyska dublamaasiyihiin, alaabtii jiifka iyo fadhiga ayaa iyaguna sawirrada ka muuqda.