You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Amiir William iyo booqashadiisii Bariga Dhexe
Amiirka boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho ku joogo waddamada Bariga Dhexe ee Urdun, Israa'iil iyo Falastiin.
Amiir William ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan qoyska boqortooyada oo booqasho rasmi ah uu ku taga Bariga Dhexe .
Maalintii Talaadada , Amiir William wuxuu tagay magaalada Quddus, wuxuuna la kulmay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo marwada kowaad.
Amiirka ayaa sidoo kale booqday xarunta Yad Vashem ee ku taalla Qudus ,wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu xusayey yuhuud gaaraysa 6 milyan oo ay dileen Naasiyiinta.
Isniintii, Amiir William iyo dhaxal sugaha Jordan amiir Xusseen Bin Cabdullaahi ayaa booqday xarun ciidan oo uu Ingiriiska taakuleeyo.
Waxay sidoo kale booqdeen xarunta Dar Namah , oo saldhig u ah ururka ay aasaastay amiirad Taghrid si ay shaqo abuur ugu sameyso gabdhaha agoomaha ah marka ay gaaraan 18 sano.
Amiiradda ayaa Amiir William geysay magaalada qadiimiga ee Jerash.
Xilligii uu booqanayey Jerash ,waxa uu halkaas ku arkay sawir qadiimi ah ee amiirad Catherine iyo aabaheed oo halkaas fasax u tagay.
Amiirka ayaa sidoo kale sawir la galay carruur u dhalatayay dalka Suuriya iyo kuwa u dhashay Urdun.
Amiir William ayaa Axaddii tagay Urdun, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Marka dhaxal sugaha Urdun.
Amiir William ayaa sidoo kale booqday qaybaha waxbarashada, oo ku sugnaa safaaradda Ingiriiska.
Amiirka ayaa sidoo kale halkaasi ku daawaday ciyaartii dhexmartay Ingiriiska iyo Panama ee tartanka ciyaaraha koobka adduunka maalintii Axadda ahayd.