You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxamed Salaax oo la siiyay jinsiyad cusub
Hoggaamiyaha dalka Jejnia Ramzan Kadyrov ayaa ku dhawaaqay in ciyaartooyda Liverpool Maxamed Saalax la siiyay jinsiyad sharafeed.
Salaax ayaa ku sugan dalka Ruushka, halkaas oo uu kaga qeybgalayo koobka kubadda adduunka, goobta tabobarkiisana waa magaalada Grozny ee caasimadda jamhuuriyadan Ruushka ka tirsan ee Jejnia.
Mar sii horeysay ayay kulmeen Salaax iyo Kadyrov oo lagu eedeeyay in uu ciyaartooyga u isticmaalayo ujeeddooyin siyaasadeed.
Kooxda Masar ayaa wajihi doonta Sucuudiga, waxaana la filayaa in ay usoo taloowdo is reebreebka qeyb ka mid ah.