Nin lugeeyay in ka badan kun kilomitar si uu ula kulmo Ra'iisul wasaare

Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa lugeeyay ilaa 1,350 killomitar sii u xusuusiyo Ra'iisul wasaaraha dalkaasi inuu dhaqan geliyo ballanqaad uu sameeyay xilligii doorashada.
Muktikant Biswal ayaa socod ka billaabay Gobolka bariga ku yaalla ee Orissa wuxuuna lugu ku tagey waqooyiga caasimadda Delhi.
Ninkan ayaa lagu daweeyay isbitaal ku yaalla magaalada Agra oo 218 kilomitar uu jirtay halkii uu uu socday.
Biswal ayaa lugayntiisa ooga gollahaa inuu xusuusiyo Ra'iisul wasaaraha Hindiya Modi inuu fuliyo ballaanqadayo ahaa inuu dayactiro ku samaynaya isbitaal ku yaalla deegaanka uu kasoo jeedo ninkani.
Wuxuu billaabay socodka 16-kii bishii April isagoo sito calanka dalka Hindiya iyadoona ay cadceeddu ay kulushahahay.
Ra'iisul wasaaraha Hindiya ayaa sannadkii 2015-ki sheegay in isbitaalka deegaanka uu ka dhigi doono mid casri ah oo laga heli karo dhammaan tashiilaadka caafimaad.
Biswal wuxuu BBC-da u sheegay inuu doonaya inuu la kulmo Ra'iisul wasaaraha sii uu uga codsado inuu fuliyo ballaanqaadkii ahaa inuu dayactirayo isbitaalka guud ee Ispat.
Wuxuu yiri " ma garan karo inuu Ra'iisul wasaaraha uu ila kulmi doono iyo in kale"
Ra'iisul wasaare Modi wax jawaab ah kama uusan bixinin hadalka Biswal oo baraha bulshada si wayn looga hadal hayay. Hoggaamiyaha mucaaridka dalkaasi ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray dhacdada Biswal.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Biswal wuxuu sheegay in hoggaamiyaha mucaaridka uu u ballan qaaday inuu caawinaya.
Waxaa la filayaa dabayaaqada toddobaadkani inuu gaaro magaalada Delhi.










