Weriyeyaal lagu xiray Singapore ka hor kullanka Trump iyo Kim

Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Dalka Singapore wuxuu xabsiga dhigay labo wariye oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u galeen guriga safiirka Kuuriyada Waqooyi ka hor inta aysan kullanka qaadanin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald trump.
Booliska Singapore waxay sheegeen in looga yeeray guriga safiirka si ay u qabtaan labadaasi weriye.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa Axadda lagu wadaa inuu ka cago dhigto dalka singapore, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Kim Jong-un uu ku marti qaadaya aqalka cad waa haddii kulanka Singapore uu noqdo mid miro dhal ah.
Madaxweyanaha Mareykanka ayaa isagana la filaya inuu axaddii gaaro Singapore.
Maxaan ka ognahay xiritaanka weriyeyaasha?
Booliska Singapore waxay barta Facebook ay ku leeyihiin ku sheegeen in labada weriye ee ka howlgalayay warbaahinta dowladda Kuuriyada Koonfureed la xiray. Halka labo qof oo kale oo isla dalkaasi u dhashayna ay baaritanno ku socdaan.
Waxaa la filaya in kullanka Trump iyo Kim ay ka qayb galaan suxufiyiin gaarayo 3,000 si ay usoo tebiyaan madasha.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
Dhawaan ayay ahayd markii nin fadhigiisu yahay magaalada Hong Kong oo iska dhigayay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ay muddo labo saacadood ay su'aalo weddinaayeen saraakiisha socdaalka singapore.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty










