Maxay yihiin waxyaabaha aysan ka wadahadli doonin Kim iyo Trump?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan shir taariikhi ah ee qabsoomi doono dhawaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ka jirto " xad gudub weyn ee lagula kaca dadka taasi oo ka hor imaanaysa xuquuqda bini'aadamka". Balse labada hoggaamiye ayaa laga yaaba inaysan ka wada hadlin arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha.

Waa kuwan arrimaha laga yaaba inaysan ka wada hadlin labada hoggaamiye.

Gacan ku haynta dowladda

Kuuriyada Waqooyi waxaa muddo 30 sano ah hoggaaminaayey qoyska reer Kim , iyadoo shacabka mar walba lagu amro inay u hoggaansamaan qoyska hoggaamiyaha hadda xilka haya ,Kim Jong-un.

Dowladda ayaa maareysa wax walba , iyagoo qaar ka mid ah shacabka ay u isticmaalan basaasiin.

Dhaqaalaha ayaa waxa si adag u mareeya dowladda ,waxayna lacagta ugu badan ku kharash gareeyaan hormarinta barnaamijkooda niyuukleerka , iyadoo ay dalka ka jirta cuno yari iyo shidaal la'an.

Warbaahinta oo la xadida.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa noqonaysa midda ugu hooreysa adduunka ee aan lahayn xorriyadda saxaafadda.

Kuuriyada Waqooyi ayaa wararka, madadaalada iyo macluumaadkaba ka soo xigata warbaahinta ay dowladda maamusho,taasi oo kaliye ka hadasha wanaagga ay dowladda leedahay.

Waxa suura gal ah in caasimadda Pyongyang, ay ku yartahay helitaanka internetka ,iyadoo qaar kalana laga xaddida isticmaalka internetka. Balse dad badan oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayaa laga yaaba inaysan waligood fursad u helin isticmaalka internetka.

Xorriyada dhanka diinta

Dastuurka ayaa lagu xusay "xuquuqda iimaanka" balse waxaa jira kaniisado ay raacan dadka u dhashay dalkaas oo ay dowladda maamusho.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale ka warbixiso diimaha kale sida kaniisad ay maamulaan.

Xaaladda xabsiyada Kuuriyada Waqooyi.

"Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ku yaalla xabsiyada adduunka ugu weyn" ayuu yiri Mr Adams.

Dadka u ololeeyaha arrimaha bini'aadamka ayaa sheega in dadka lagu xiro si sharci darro ah , dambiyada sida inaad daawatid muqaal ay leeyihiin Kuuriyada Koonfureed oo lagu mucaaradayo ama ka hor imaanayo dalka.

Dadka lagu soo eedeeyo dambi dhanka siyaasadda ah ayaa badanaa lagu hayaa xeryo lagu jir dilo , taasi oo ka mid tahay inay qabtaan shaqooyinka sida macdan qodista.

Dadka badanaa xabsiyada ku jira ayaa geysanin wax dambi ah . Kuuriyada Waqooyi ayaa fuliso ciqaabo adag, haddii uu qof ka mid ah qoyskaada lagu helo dambi waxaa suura gal ah in qoyskiisa oo dhan la ganaaxo.

Kuuriyada Waqooyo ayaa fuliso xukumo dil ah ,waxaana lagu yaqaanay inay dadka hor tooda ku filo dilalkaas.

Dadka ku xiran xabsiyada Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xirto dadka u dhashay dalalka kale oo yimaada dalka ,waxayna xabsiyada ku hayaan muddo dheer, qaar ayaa loo xiraa arrimo la xiriira siyaasadda .

Lix qof oo u dhalatay Kuuriyada Koonfureed ayaa weli la aaminsanyahay inay ku xiranyihiin xabsiyo ku yaalla Kuuriyada Waqooyi.

Waxay sidoo kale sheegteen inay afduubteen 13 qof oo u dhalatay dalka Jaban 1970-kii , iyagoo u tobabarayey basaasnimo.

Shaqada oo dadka lagu qasbo

Arday hore oo ka baxsaday Kuuriyada Waqooyi ayaa hay'adda xuquuqda aadanaha ee HRW u sheegay in iskuuladooda ay ku qasbi jireen inay ka shaqeeyaan beeraha .

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale boqolaal kun oo qof u dirta inay ka shaqeeyaan dibadda ,qaar ka mid ah ayaa la addoonsadaa.Woqooyiga Kuuriya oo "gantaal tijaabisay"

Waxay shaqaalo u direen meelo ay ka mid yihiin Shiinaha, Kuwait iyo Qatar , balse qaar ka mid ah wadamadaas ayaa joojiyey inay cusboonaysiiyaan fiisooyinka Kuuriyada Waqooyi si ay u texgeliyaan cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay saartay Kuuriyada Waqooyi ,hase yeeshe warbixinada soo baxaya ayaa sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay weli ka howl galisay meelaha qaar iyadoo ay weli saarantahay cunaqabataynta.

Xuquuqda haweenka

Xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ayaa si weyn ooga jira Kuuriyada Waqooyi .

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegato inay tahay dalku dhisan caadaalad ,balse waxaa la sheegaa in dumarka dalkaas aysan helin fursadooyin waxbarasho iyo shaqo.

"Haweenka xaqiiqdii wey nugulyihiin haddii ay la kulmaan xadgub ma haystaan qof ay u dacwoodaan," ayuu yiri Mr Adams.

Nafaqa darrada carruurta

Carruurta ayaa helo fursado waxbarasho ,iyadoo ay jiraan qaar ka taga iskuulada si ay u caawiyaan qoysaskooda sida uu sheegay Mr Fang.

Nidaamka waxbarashada ayaa "looga hadlaa arrimaha siyaasadda ee dalka "

Hay'adda UNICEF ayaa sheegtay in 200,000 carruurta dalkaas ay wajahayaan macluul , iyadoo 60,000 oo ka mid ah carruurtaas ay ku sugan yihiin xaalad xun.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ka hor imaaday dhaleecaynta loo soo jeediyey ,waxayna sheegtay in shacabkeeda "ay yihiin kuwa ugu faa'iidoonyinka badan adduunka" .

Balse Mr Adams ayaa sheegay in mowduuca la xiriira xuquuqda aadanaha ee Kuuriyada Waqooyi ay tahay " mid aan wax badan laga sameyn karin.

Iyadoo laga yaaba inuu qabsoomo shirka dhexmari doono laba hoggaamiye ,qof kasta waxa uu fiirsanayaa dantiisa. Ma jiro qof raadinayo danaha shacabka Kuuriyada Waqooyi.