Koox Japan u dhashay oo uur dooxay 122 nibiri

Xigashada Sawirka, AFP
Koox dadka badda ka jalaabta ah oo u dhashay dalka Japan ayaa lagu soo waramayaa in ay soo qabteen , kadibna dilleen illaa 333 nibiri, kuwaas oo 122 ka mid ah ay yihiin dhedig ilmo caloosha ku wada.
Warbixin la gaarsiiyay guddiga caalamiga ah ee ugaarsiga nibiriga ayaa lagu sheegay in tirada guud ay tahay 333.
Kooxdan ayaa Japan ka shiraacday bishii November, 2017-kii, iyaga oo aaday Badweynta Koonfureed, waxayna soo laabteen bishii Maarso, 2018-ka.
Dowladda Japan waxa ay sheegtaa in nibiriga loo ugaarsado sababo la xiriira xagga seeyniska, inkasta oo Qaramada Midoobay ay go'aamisay in cilmi baarista ay tahay mid qaldan, laguna cambaareeyay.
Nibiriyada qaarkood lasoo qabtay ayaa ahaa kuwa aanan wali tabar galin, taas oo lafteeda xadgudub ah.
Cilmi baarista lagu sameeyo ka sokoow, hillibkiisa ayaa la gadaa si loo cunooooo.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxay Japan u laysaa nibiriga?
Sida uu dhigayo qodob ka mid ah heshiiska caalamiga ah ee xakamaynta ugaarsiga nibiriga oo la saxiixay 1946-dii ayaa waxa uu dhigayaa in dalalka ay kaliya dili karaan nibiriga haddii oo kaliya loo isticmaalayo sababo la xiriira cilmi baaris seeyniseed, waana qodobkaas kan ay Japan isticmaalayso.
Dowladda Japan waxa kale oo ay sheegtay in jalaabashada nibira ay qeyb ka tahay dhaqanka soo jireenka ah ee dadka dalkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalal kale oo ay ka midyihiin Norway iyo Iceland ayaa ka mid ah kuwa jalaabta nibiriga.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Inkasta oo tirada nibiriga ku nool badda Artartic uu gaari karo boqolaal kun, haddane waxaa jira hoos u dhac ku yimid 50 -kii sano ee lasoo dhaafay. Haseyeeshee Japan waxa ay qabtaa in uusan jirin wax dhib, si caadi ahna loo jalaaban karo.










