You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Israa’iil ma waxa ay isku direysaa Ruushka iyo Iiraan?
Tan iyo intii dowladda Ruushka ay ku biirtay dagaalka ka socda dalka Ruushka , waxaa soo baxayay arrimo is diidan, dadkana ay ku adkaatay in ay fahmaan.
Ruushka saldhigyo ciidan ayuu ka dhistay Suuriya, waxaana loo arkaa awood xukunka ku haysa madaxweyne Bashaar Al Asad oo mar qarka u saarnaa in xilka laga tuuro kadib markii ay dalkaas ka kaceen kooxo hubeysan.
Suuriya waxa ay dib u qabsatay dhul baraalan oo horey kooxaha mucaaradka uga qabsadeen, taasna waxaa ugu wacan garabka ay ka helayaan Ruushka oo cir iyo dhulba ka caawinaya.
Balse dhibka jira ayaa ah in Israa'iil ay iyaduna si joogto ah duqeymo uga wado Suuriya, kuwaas oo ay ku wiiqayso ciidanka Suuriya iyo kuwa ka barbar dagaalamaya ee Iiraan iyo ururka Xisbulaah ee Lubnaan ka dhisan.
Waxaa la ogyahay in Suuriya iyo Israa'iil ay yihiin cadaw aanan indhaha iska eegi karin, taas badalkeeda Israa'iil iyo Ruushka waa saaxiibo isku dhaarta.
Haddaba su'aasha waxa ay tahay sidee Ruushka u maareynayaa xiriirka uu la leeyahay Suuriya iyo kan Israa'iil oo dabar fureysa guulihii laga gaaray Suuriya?.
Saldhigyada Ruushka ee Suuriya iyo qalabka casriga ah ee u yaala halkaas waxa ay awood buuxda u leeyihiin in ay ka hor tagaan duqeymaha Israa'iil.
Balse taasi ma dhacdo, waxaana Israa'iil loo fasaxay in ay hawada Suuriya ka samayso waxay doonto.
Waxaaba xitaa jira xarun Suuriya ku taala oo toos iskugu xirta taliska ciidanka Israa'iil iyo kan Ruushka, si baa la yiri duqeymaha Israa'iil aysan u waxyeeleynin danaha Ruushka ee Suuriya.
Walwalka ugu badan ee ay Israa'iil qabto ayaa ah Iran iyo damaceeda naaxinta hubka niyuukleerka, waxayna u aragtaa in uu yahay dal Qatar badan ku haya jiritaanka Israa'iil.
Ruushka xiriir wanaagsan ayuu la leeyahay Iran, sabab kastaba ha lahaatee.
Dhawaan waxaa Ruushka booqday Ra'isulwasaaraha Israa'iil oo aad loogu soo dhaweeyay halkaas, qodobada ugu muhiimsanaane waa dagaalka Suuriya.
Ruushka oo doonaya in uu dib ugu soo laabto fagaarayaasha caalamka, ayaa sidoo kale raba in uu dib usoo celiyo saamayntii uu ku lahaa Bariga Dhexe oo tan iyo burburkii Soviet-ka la wareegeen dalalka reer galbeedka.
Israa'iil waxa ay muddo wadday dagaal borobogaando ah oo ka dhan ah Iran, kaas oo ay adduunka kaga dhaadhicinayso in Iran tahay halis weyn, joogitaankeeda Suuriyana ay tahay arrin aanan la aqbali karin.
Dhaqdhaqaaqa Israa'iil iyo xasaradda jirta ayaa keentay in ay shaqaaqo dublamaasiyadeed ka dhex qaraxdo Israa'iil iyo Ruushka, waxayna taas sababtay in wasiirka difaaca Israa'iil Avigdor Lieberman uu u safro Ruushka, lana kulmo dhiggiisa Ruushka Sergei Shoigu.
Saansaanta muuqata ayaa ah in Ruushka ay ka xumaadeen duqeymaha Israa'iil ee xarumaha Iiraan ee Suuriya, iyaga oo ka baqaya in haddii tan ay sii socoto ay wiiqi karto xukunka Asad.
Ruushka waxa ay muujinayaan in ay doonayaan in ay jeexaan qorshe Israa'iil lagu qancinayo oo ah in kooxaha ay Iran taageerto aysan u dhawaanin xudduuda Israa'iil
Balse Israa'iil waxa ay gabi ahaanba kasoo horjeedaa in ciidamo Iiraan ah ay joogaan Suuriya.
Waxaa dhacday in dowladda Ruushka ay ku baaqday in ay Suuriya ka baxaan dhammaan xoogaga shisheeye, hawshana loo dhaafo ciidanka Suuriya.