Ninkii badbaadiyay ilmo dabaqa afraad ka laadlaada oo dhalasho la siiyay

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Soogalooti reer Mali ah ayaa halyay lagu tilmaamay dhalashada Faransiiskana la siiyay ka dib markii uu badbaadiyay ilmo yar oo ka laadlaada dabaqa afraad ee dhisme ku yaalla magaalada Paris.
Muuqaal laga duubay sida cajiibka ah ee Mamoudou Gassama uu u badbaadiyay ilmaha ayaa baraha bulshada qabsaday oo dadku aad isula wadaageen.
Wax ka yar hal daqiiqo ayuu balakoonnada dabaqa isaga kala gudbay qabtayna ilmaha yar ee afar jirka ah.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku qaabilay Aqalka Faransiiska looga taliyo ee Elysee Palace wuxuuna u hibeeyay shahaado iyo dhalashada dalka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, AFP
Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa ammaantay halyaynimada uu sameeyay wiilka 22 jirka ah waxayna sheegtay in ay wacday si ay ugu mahadceliso.
Muuqaalkan oo Facebook la soo galiyay ayaa laga duubay dhacdadan sida cajiibka ah u dhacay
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
Hidalgo ayaa Twitterka ku soo qortay "Waxaan u hambalyaynayaa Mamoudou Gassama geesinada uusameeyay ee uu ku badbaadiyay nolosha ilmaha yar"
"Wuxuu ii sheegay in uu bilo ka hor ka yimid Mali uuna ku riyoonayo in uu nolol ka samaysto halkan"
"Waxaan ugu jawaabay geesinimada aad muujisay ayaa tusaale u ah reer Paris oo dhan, wayna caddahay in magaalada Paris ay kugu taageeri doonto dadaalka aad Faransiiska ku dagayso".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Arrintan ayaa Sabtidii ka dhacday waddo ku taalla waqooyiga magaalada.
Hooyada ilmahan yar ayaa la sheegay in ay ka maqnayd magaalada Paris, booliiska ayaana su'aalo waydiinaya aabaha oo loo malaynayo in uu dayacaad sameeyay.
Gassama ayaa saxafiyiinta u sheegay in isaga oo iska socda uu ku soo baxay dad hor tuban dhisme.










