You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay sababta Kim Jong-Un uu ugu qanacsanyahay Singapore?
Dalka Singapore ayaa marti gelinaya kulan taariikhi ah oo uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu halkaasi kula yeelan doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Singapore ayaa xirriir dhanka ganacsiga la leh Kuuriyada Waqooyi.
Singapore waxay leedahay garoon diyaaradeed oo wayn iyo beero qurux badan, balse intaas ka sokow sua'asha waxay tahay muxuu Kim Jong-Un u doorbiday dalkan yar inuu kula kulmo Triump?
Kuuriyada Waqooyi dalal badan xirriir ganacsi lama laha ,Dalka Singaporeo wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka aan xirrir ganacsi oo wayn lala hayn Pyongyang.
0.2% dhaqaalaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu ku tiirsan yahay Singapore.
Tan iyo sanadkii tagey Singapore waxay iskaashi dhanka badeecadaha qaar la lahayd Kuuriyada Waqooyi balse mar sii horreysay ayay ahayd markii la joojiyay dal ku galka labada dal.
Singapore waxay ka mid tahay dalal aan badnayn oo Kuuriyada Waqooyi ay safaarad ku leedahay.
Laba shirkadood oo laga leeyahay dalkaasi ayaa lagu eedeeyay inay ganacsi la samayeen Kuuriyada Waqooyi inkastoo ay dalkaasi saaran tahay cunaqabatayn Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay.
Weriyaha BBC-da arrimaha ganacsiga ee qaaradda Aaasiya ayaa sheegtay in arrintani ay ku ogotaay baaritaan ay samaysay inkastoo labada shirkadood ay beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay.
Illa hadda maraakiibta iskaaga kala goosho Kuuriyada Waqooyi iyo Singapore ayaan wax baaritaan ah marin sababtoo ah dowladda Singapore si dhaw dusha ugala soconin dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga Kuuriyada Waqooyi, sida lagu sheegay warbixiin uu sanadkii 2016-kii uu qoray wargayska Washington Post.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Singapore. Weriyaha BBC-da ayaa intaasi ku dartay inay la hadashay illo wareedyo ka tirsan sirddoonka.
Kim Jong-un wuxuu ku aamin qabaa nabadda dalkaasi, waxaana sido kale la sheegay in akoonno bangi uu halkaasi ku lahaa. Waxaana la rumaysan yahay in qoyska Kim Jog Un ay Singapore marar badan u tageen arrimo caafimaad la xiriira.
Michael Madden oo ka tirsan macadka Johns Hopkins wuxuu sheegay in kuuriyada Waqooyi iyo Singapore ay xirriir dhaqaale iyo mid dublumaasiyadeed uu ka dhexeeyo.