You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Somaliland iyo Puntland oo ku dagaalamaya Tuka-raq
Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ee ay ku muran san yihiin Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada labada dhinac.
Taliyaha milatariga Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa BBC u xaqiijiyay in dagaalku uu socdo wuxuuna sheegay in ciidammada Puntland ay duulaan kaga soo qaadeen labo aag.
Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammada la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen walina uu dagaalku socdo.
Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.