You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo Iiraan ugu gooddiyey cawaaqib xumo
Maalin ka dib markii uu Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nuklear-ka ee Iran ayuu madaxweyne Trump uga digay xukuumadda Tehran in ay la kulmi doonto cawaaqib xumo waa haddii ay dib u bilowdo mashruucdeeda nuclear-ka.
Madaxweyne Trump ma uusan sheegin waxa ay noqonayaan cawaaqib xumada oo aan ka ahayn in uu ka baxay heshiiska Nuclear-ka ee Iran oo dib ugu celinayo cuna qabateyntii horay u saarnaanjirtay taasi oo ujeedkeedu yahay in Iran heshiis cusub lala galo.
Haddii ay Iran ogolaan weydo heshiiskaasi cusub, waa ay ka shallaaynaysaa, ayuu yiri Trump. Balse haddana ma uusan faaf-faahin waxa uu ula jeedo hadalkaasi.
Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu Iran ku soo roogi dooni cuna qabatayntii ugu weynayd abid taasi oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gali doonto.
Ma cadda cuna qabataynta uu ka hadlaya in ay tahay mid cusub ama uu ku celin doono tii hore, taasi oo noqon doonto muddo ka badan 3 bilood ama lix bilood.
Inkastoo waddamada Yurub ay ka soo horjeesteen go'aanka Trump hadana madaxweyne Trump waxa uu weriyeyaasha u sheegay in waddamada kale ay ku faraxsanyihiin go'aanka uu qaatay, sababtoo ah heshiiska nuklearka ee Iran waxa uu ahaa mid haldhinac ah taas oo sababtay in uu kordho Nuclear-ka bariga dhexe.