Baarliin oo macalimiinta ka mamnuucday in ay madaxa asturtaan

Xigashada Sawirka, AFP
Gabadh Muslimad ah oo macalimad ka ahayd dugsi hoose ayaa ku guuldaraysatay dalab ay ku doonaysay in meesha looga saaro sharciga dadka dawladda u shaqeeya ka mamnuucaya in ay soo xirtaan dhar diimeed.
Xaakim ku sugan maxkamad Baarliin ku taalla ayaa sheegay in ay dastuurka waafaqsan tahay sharciga dhexdhexaadnimada ah ee magaaladu ka qaadatay macalimiinta, booliiska iyo masuuliyiinta maxkamada.
Lix iyo tobanka gobol ee Jarmalku ka kooban yahay waxaa ka jira shuruuc kala duwan oo ku saabsan madax asturashada iskuullada dhexdooda.
Saddex sano ka hor ayay maxkamada dastuurka ee Jarmalku laashay mamnuucitaan guud oo macalimiinta oo dhan laga saaray madax asturashada.
Maxkamadda federaalka ayaa soo xigatay xoriyadda diinta, inkastoo dhammaan shaqaalaha dawladda laga mamnuucay in ay niqaab xirtaan ama wajiga dabooshaan, balse xijaabka waa la ogol yahay.
Tan iyo sannadkii 2015kii maxkamadaha ayaa go'aanno kala duwan ka gaaray macallimiinta Muslimiinta ah ee ka shaqeeya gobollada kala duwan.
Macalimaddan Baarliin ayaa hal maalin oo kali ah ka shaqaysay iskuulka ka hor intii aan loo wareejin koleej laga ogol yahay in ay madaxa asturato.






