Joe Gomez: Waan seegi doona cayaaraha horyaalka Yurub

Joe Gomez ayaa dhaawacmay xilli uu ka qaybgalayay cayaar saxiibtinimo oo u dhexeeysay xulalka kubadda cagta Ingiriiska iyo Netherlands.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Joe Gomez ayaa dhaawacmay xilli uu ka qaybgalayay cayaar saxiibtinimo oo u dhexeeysay xulalka kubadda cagta Ingiriiska iyo Netherlands.

Cayaaryahanka difaaca uga dheelo ee kooxda Liverpool Joe Gomez ayaana ka qayb geli doonin cayaarta dhex mari doonto kooxdiisa iyo Real madrid kaddib markii uu dhaawac soo gaaray.

cayaartan ayaa ah mid kama dambays ah oo si wayn isha loogu hayo

Cayaaryahankan 20 sano jir ah ayaa la daalaacayay dhaawac soo gaaray bishii Marso xilli ay socotay ciyaar saaxibtnimo ay lahaayeen xulalka kubadda cagta Ingiriiska iyo Netherlands.

Joe Gomez ayaa sido kale ka qayb qaadan doonin cayaaraha koobka adduunka 18 bisha June u dhexeeyo dalalka Ingiriiska iyo Tuunisiya.

Gomez ayaa yiri "kama qayb geli dooni labada cayaar ee kala ah midka horyaalka Yurub iyo koobka adduunka, waxaan marayaa qalin dhanka anqawga ah"

Wuxuu intaasi ku daray inuu tageero u noqon doono kooxahiisa oo ka qayb qaadanayo labada xilli cayaareed oo waawayn.

Gomez oo horraan u dheeli jiray kooxda Chartlon ayaa 23 cayaarood uga qayb galay kooxda Liverpool.

Markii uu dhaawaca soo gaaray bishii Marso , Gomez wuxuu 21-kii bishii April uu kasoo dhex muuqday cayaartii West Brom iyo Liverpool balse kooxda ayaa waayi doonaa 26-da May.

Wuxuu kamid ahaa cayaartooydii guusha gaarsiiyay xulka kubadda cagta ee Ingiriiska ee U-17 bishii May ee sanadkii 2014-kii oo ay horyaalka Yurub qaadeen.

Maxay ahayd sababta horraan looga saaray Gomez liiska xulka qaranka Ingiriiska?

Joe Gomez oo u dheela kooxda Liverpool ayaa laga saaray liiska xulka England wuxuuna ku laabtay naadigiisa isaga oo baaritaan dheeri ah lagu samayn doono dhaawicii soo gaaray Jimcihii, markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Netherlands.

Labaatan jirkan difaaca ka dheela ayuu dhaawac ka soo gaaray anqawga markii uu qiyaastii 10 daqiiqo ku jiray ciyaartii saddexaad ee uu qarankiisa u safto.

England ayaanse qorshaynaynin in ay u yeerto ciddii badali lahayd marka ay dheelayaan ciyaarta saaxiibtinimo ee u soo hprraysa oo ay Talyaaniga la leeyihiin Talaadada.

Gomez ayaa 29 u dheelay Liverpool marka la isku daro dhammaan ciyaaraha xilli ciyaareedkan.