Su'aasha aan wali jawaabta loo helin ee fadeexadda galmada ee Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Donald Trump ayaa markii u horraysay qirtay ku luglahaanshaha lacagta la siiyay atariishada aflaanta galmada ah jisha ee sheegtay in ay la seexatay isaga. Arrintaas ayaa dhalisatay su'aal mug leh.
Sheekadan ayaa soo labo kaclaysay markii madaxweynaha iyo kooxdiisa dhanka sharciga ay qireen in $130,000 oo doolar loo celiyay Michael Cohen oo ah qareenka madaxweynaha kaas oo lacagtaas sii siiyay Daniels "si ay u joojiso eedaynta beenta ah" ee ku saabsan in ay la seexatay Trump.
Haddii arrintaasi ay tahay buurta Trump iyo garyaqaannadiisu ay ka fuulayaan fadeexaddan waxay dhalisay su'aal mug leh jawaabtu siday doontaba ha noqotee, mashaakilka madaxweynaha haystana wali ma dhammaanin.
Haddaba su'aashu waxay tahay …
Haddii Daniels ay been sheegayso, maxaa loo siiyay 130,000 ee doolar oo haddana loo aamusiiyay?
Waxaa jira saddex jawaabood oo macquul noqon kara.
Jawaabta 1: Been ma sheegayso. Cashirka ku saabsan huteelka ama wax arrintaas u eg ayaa dhacay.
Waxay u badan tahay in jawaabtaasi ay tahay midda ugu toosan. Madaxweynaha iyo xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad Sarah Huckabee horay ayay u beeniyeen in madaxweynuhu uu wax ka ogaa lacagtaas la bixiyay, marka hadda waxay calaamatu su'aal saaran tahay sida loogu kalsoonaan karo maadaama oo ay hadallo isdabo marsan sheegeen.
Saamayn siyasadeed ayaa ka dhalan karta haddii qirasho intaas ka badan la sameeyo, dabcanse bulshada Maraykanka kama dahsoonayn daldaloollada madaxweynaha markii intooda badan ay doorteen.
Bill Clinton ayaa 1998 qirtay in uu ka beensheegay wixii dhexmaray Monica Lewinsky, arrintaas ayaase wax yar u dhintay taageerada loo hayay, taas oo aad uga sarraysay markaas midda hadda loo hayo Trump.
Qareenka Daniels ayaa bidhaamiyay in ay isku dubaridayaan caddaynta eedaymaha ay soo jeedinayaan si sheekadani aysan meeshaas ugu shiiqin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jawaabta 2: Been bay sheegaysaa, balse eedaymaha ay sheegayso ayaa dhaawac u gaysan karay ol'olihii doorashada ee Trump, sidaas daraadeed ayaa loo aamusiiyay.
Duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani oo ah qareenkii u dambeeyay khaaska ah ee madaxweyne Trump ayaa isku dayay in uu sharaxaad ka bixiyo lacagta uu dib ka bixiyay madaxweynuhu ee Cohen uu gabadhan ka sii siiyay.
"Bal ka warran haddii ay arrintani soo bixi lahayd 15 bishii Oktoobar ee 2016kii markaas oo madaxweynuhu uu doodii u dambaysay ee doorashada la lahaa Hillary Clinton," wuxuu sidaa ka sheegay barnaamijkii subaxii Khamiistii ka baxay telefeshinka Fox & Friends. Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu uusan arrintan dalban balse Cohen uu go'aansaday in meeshaas lagu bakhtiiyo sheekadaas.
Laakiin wajiga kale ee arrintaasi ay yeelanayso ayaa ah in si cad loo qiranayo in ficilka Cohen loo sameeyay si gacan loo siiyo ol'olihii doorashada madaxweynenimada ee Trump.
Xitii lacagta loo celiyay Cohen haddii ay ahayd mid laga bixiyay dhaqaalaha khaaska ah ee madaxweynaha waxay u badan tahay in taasi ay noqonayso dayn ol'ole doorasho - haddii ay sidaas tahayna sharcigu wuxuu qabaa in lagu wargaliyo gudiga qaran ee doorashooyinka.
Haddii aan dib u milicsano 2011 John Edwards oo madaxweyne kuxigeen ugu magacawnaa xisbiga Dimuqraadiga ayaa lagu soo oogaw dhawr dacwadood oo ku saabsanaa wax isdabo marin lacago doorasho loo adeegsaday si uu u qariyo in ay arrini dhexmartay gabadh duubta muuqaallada ol'olaha doorashada.
Inkastoo markii dambe ay ku soo dhammaatay xeerbeegti go'aan ka gaariwayday dacwaddaas, arrintaas ayaase muujinaysa sida ay halis u noqon karto baalmaridda xeerarka doorashada.
Jawaabta 3: Beenbay sheegaysaa laakiin "dadka caanka iyo kuwa maalqabeenka ah" waxay mar kaste bixiyaan lacago noocan oo kale ah si ay uga baaqsadaan xaalado aan raali galinaynin.
Trump oo saddex Twitter arrinta lacagtan ooga hadlay Khamiistii ayaa sheegay in calaamadaha maalqabeennimada iyo caannimada ay ka mid tahay in dhaqaale la isaga aamusiiyo beenaaleyaasha iyo dadka wax bahdila.
Haddii Trump oo Cohen adeegsanaya uu lacago noocaas oo kale ah bixin jiray mar kaste, oo Daniels oo kali ah aan la siinin si looga baaqsado in aysan dhaawicin ol'olihii doorashada, markaas waxaa laga yaabaa in ay ka badbaadiso in uu meel uga dhacay dhaqaalaha doorashada lagu bixiyo.
Qayb ka mid ah caqabadda soo foodsaartay kooxda madaxweynaha u qaabilsan istaraatiijiyadda qawaaniinka waa in Giuliani uu bixiyay sharaxaad baalmarsan sababtii horay loo sheegay.
Isla waraysiga uu duqii hore uga hadlay sidii arrinta Daniels ay u dhaawci kartay ol'olihii doorashada ee uu siiyay telefeshinka Fox & Friends ayuu iyadana ka sheegay in lacagta loo bixiyay si loo "badbaadiyo" guurka Trump iyo xaaskiisa Melania.
"Arrintan madaxweynaha shaqsi ahaan ayay u dhibtay, ee siyaasad ahaan ma ahayn, arrin shaqsi iyo marwada koobaad la xiriirta ayay ahayd," ayuu yiri Giuliani.
Wuxuu sheegay in qof sida Trump oo kale ah aysan wax wayn la ahayn $130,000 oo la bixiyo.










