Nin hawlgab ah oo ku guleystay lacag badan sanad guuradiisii dhalashada

Ping Kuen Shum

Xigashada Sawirka, COURTESY BCLC

Qoraalka sawirka, Ping Kuen Shum

Nin u dhashay dalka Canada ayaa ku guuleystay lacag gaaraysa $1.5 milyan doolar maalinkii uu hawlgabka noqonayay, taasoo sidoo kale kusoo beegantay sanad guuradiisii dhalashada.

Ping Kuen Shum oo ku nool magaalada Vancouver ayaa ciyaaray qamaar, jartayna tigid 28-dii April, balse markii ay natiijada soo baxday ayaa waxa uu ku guuleystay lacagtan aadka u badan.

"Waa wax la yaab leh in saddex dhacdo ay halmar iskugu kay soo beeganto" ayuu yiri Ping oo qorsheynaya in uu dalxiis ku tago dalka Shiinaha.

Shirkadda qamaarka dalkaas ayaa sheegtay in aysan shaacin doonin da'da iyo shaqada uu qabto Mr Ping.