You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Spain: Maroodi xayiray isu socodka gaadiidka waddo Muhiim ah
Shan maroodi ayaa sababay in ay xiraan waddo weyn oo ku taallo koonfur bari Spain kadib markii ay ka soo baxsadeen gaari ay ku jireen kaas oo ay burburiteen.
Mid ka mid ka mid ah maroodiga ayaa u dhintay dhaawacyo soo gaaray iyadoo laba kalana ay waxyeello soo gaartay sidaasi waxaa sheegay booliska.
Maroodiga dhaawaca soo gaaray ayaa wadada looga qaaday wiish.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada Pozo Cañadagalabkii Isniinta . darwalkii gaarigii xamuulka ahaa ee ay saarnaayeen maroodiyada ayaan wax dhaawac ah soo gaarin.
Xoghayaha dowladda Spain u qaalbilsan gaadiidka Gregorio Serrano ayaa baraha bulshada soo dhigay video Muujinya maroodiyada oo laga daad gureeynayo waddada.
Booliska gobolka Albacete ayaa shaaciyay sawirro muujinya saddex maroodi oo ka mid ah shanta maroodiyadi oo ku wareegeeysanaya wadada.
Mr Serrano ayaa bartiisa Twitter-ka ku shegay in weli la baarayo sababta keentay burburka gaariga.