Buug laga qoray habaarka oo nasiib u heley abaalmarin qaali ah

Xigashada Sawirka, MARK RUSHER
Haweenay asal ahaan kasoo jeeda dalka Uganda, balse haysata dhalasho British ah ayaa ku guuleysatay mid ka mid ah abaalmarinada ugu sareeya adduunka ee xagga suugaanta iyo qoraalka.
Jennifer Nansubuga Makumbi oo ku nool magaalada Manchester, UK ayaa xitaa ay diideen in ay buugeeda daabacaan madbacadaha waaweyn ee Britain, iyaga oo u arkay in qoraalkeeda uusan u qalmin in la daaboco.
Balse jaamacadda Yale ee dalka Maraykanka ayaa gabadhan ku abaalmarisay billad lacagteeda ay dhantahay $165 kun oo doolar, taas oo lagu magacaabo abaalmarinta Windham Campbell., kuna mutaysatay buug ay qortay.
Jennifer waxa ay sheegtay in muddo dheer aysan wax dakhli ah soo galin, lacagta ay hadda heleysana ay nolosheeda wax weyn ka badalayso.
Waa abaalmarinta lagu helo lacagta ugu badan adduunka marka laga soot ago tan Nobel-ka.
Buuggeeda Kintu waxaa lagu daabacay dalka Kenya afar sano ka hor kadib markii ay diideen madbacadaha Britain maadaamaa ay tahay qof madoow ah.

Xigashada Sawirka, ONEWORLD PUBLICATIONS
Qoraaga ayaa waxa ay sheegtay in madbacadaha Britain iyo akhristayaasha Britishka ah ay inta badan jecelyihiin wax ay fahmi karaan oo nolosha reer galbeedka ku saabsan haddii laga hadlayo Afrika.
Buugga waxa uu ka hadlayaa waxyaabo qiyaali ah oo ku saabsan qoys Ugandhiis ah oo la habaaray 250 sano ka hor.
Makumbi ayaa Uganda ka ahayd macalin dugsi sare, ka hor intii aysan Ingiriiska u guurin si ay aqoon kororsi u samayso, xirfadeeda qoraalna u horumariso, iyada oo gaartay illaa heer shahaadada PhD-ga.











