Gabadh wax ka qori jirtay dhaliisha Malta oo qarax lagu dilay
Gabadh caan ah oo qoraa ka ahayd Malta, xukuumadda jasiiraddaasna ku eedaysay wax isdabomarin ayaa ku dhimatay gaarigeeda oo qarxay, sida ay booliisku sheegeen.
Daphne Caruana Galizia oo 53 jir ahayd ayaa la sheegay in ay dhimatay ka dib markii gaarigii ay wadatay uu qarxay wax yar uun ka dib markii ay ka baxday gurigeeda oo ku yaalla Bidnija oon aan ka fogayn Mosta.
Warbaahinta gudahu waxay sheegtay in mid ka mid ah wiilasheedu uu maqlay qaraxa uuna bannaanku ku soo orday.
Ra'iisulwasaare Joseph Muscat oo ay Caruana Galizia horraantii bishan ku eedaysay wax isdabomarin ayaa cambaareeyay dilkeeda.
"Anoon ka labolabaynaynin ayaan cambaaraynayaa weerarkan arxandarrada ah ee lagu qaaday shaqsiga iyo xorriyatul qawlka," ayuu yiri isga oo fariintiisa telefishinka laga siidaayay.
"Qof walba wuu ogyahay in Caruana Galizia ay si adag u dhaliili jirtay aniga iyo siyaasadaydaba, sida ay dad kalaba ku ahayd.

Xigashada Sawirka, Linkedin
Laakiin wuxuu carrabka ku adkeeyay "in aan sinaba wax qiil ah loogu heli karin ficilladaas oo kale.
"Ma nasan doono inta caddaalad looga helayo arrintaas".
Habeennimadii Isniintana kumannaan dad ah ayaa xuskeeda isugu soo baxay magaalda Sliema ee loo tamashle tago.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Tlefeshinka Malta ayaa baahiyay in Caruana Galizia ay booliiska dacwad gaystay labo toddobaad ka hor iyada oo sheegtay in loo soo hanjabay, balse wax faahfaahin ah kuma aysan darin.
Booliiska ayaa hadda billaabay baaritaan ku aadan dilkeeda.
Wargays ayaa ku warramay in burburka gaarigii ay wadatay oo kiro ahaa uu ku firirsan yahay waddada hareerteeda iyo goobaha ka agdhaw.

Xigashada Sawirka, Reuters











