Dalka uusan nidaamka ka jirin ee Liibiya doorasho ma ka qabsoomi kartaa?

Xigashada Sawirka, AFP
Waxa ay u muuqataa mid xaqiiqo ah in dalka Liibiya uusan u diyaarsanayn in ay doorasho ka dhacdo, balse beesha caalamka ayaa u muuqata in ay ka go'an tahay in dalkaasi laga qabanqaabiyo , waxaa sidaasi qortay wariyaha BBC ee waqooyi Afrika Rana Jawad.
Siyaasiyiinta Liibiya, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub ayaa muddo bilooyiin ah ka hadlayay arrintan qabashada doorashada.
Doorashada madaxwaynanimada iyo baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay dhacaan 2018.
Balse iyada oo laba bilood ee sanadka ugu horreeyay ay dhamaadeen, waxa kali ah ee hadda la taaban karo ayaa ah diiwaangalintii dhawaan dhacday.
In ka badan 2.3 milyan oo reer liibiya ah taasi oo ah kala bar dadka gaaray da'da codeynta ayaa hadda diyaar u ah in ay codeynta ka qayb qaataan.
Balse in ka badan 6 sano ka dib markii Mucammar Gaddafi xilka laga tuuray ayaa waxaa dalkaasi gacanta ku haya kooxo hubaysan oo iska soo horjeeda.
Dadka Liibiyaanka ayaa ah kuwa rajo dhigay , waxaana sii badanaya safarada halista ah ee doomaha ee ay doonayaan in Yurub ku gaaraan.
Mustaqbalkooda ayaa u dhaxeeya laba dowladood oo iska soo horjeeda, baarlamaan aan shaqaynayn iyo gola ka soo jeeda baarlamaankii hore oo ah golaha la talinta.
Kooxa maleeshiyaad ah ayaa dhidibada u aasay awoodooda gobolada ay haystaan islamarkana dowladda dhexe wax awood ah kuma laha .
Dalka Liibiya ayaa waxaa ka jirta lacag la'aan, mana jirto rajo dhaqaale oo soo fool leh.

Xigashada Sawirka, AFP
Ismariwaa Siyaasadeed
Ghassan Salame, oo loo magacaabay bishii August ergayga gaarka ah ee Qaramaday ayaa waxa uu dhaxlay geedi socod adeeg badan.
Waxa uu wadahadal la yeeshay bulshada reer Liibiya oo hore isaga dhagatiray sida ardayda iyo kuwa ku nool bariga dalka.
Mr Salame waxa uu la yimid qorsha ka kooban saddex qaybood:
- In isbadal lagu sameeyo heshiiskii siyaasadeed ee 2015 - waxaa loo arkaa in uu ahaa mid si wayn loogu murmay islamarkana lagu soo dhisay dowlad ay caalamka aqoonsan yihiin, balse ah dowladda fadhiid ah.
- In la qabto shir wayne qaran
- In la qabto afti dastuur lana qabto doorasho muddo sanad gudihiis ah.
Balse wadahadaladii wax looga badali lahaa heshiiska siyaasadda ayaa la isku mari waayay bishii October, waxaana dhinacyada siyaasadda iyo militariga ka dhaxeeya kala qaybsanaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Halista jirta
Dadka qaar ayaa rumaysan in doorashada ay mideynayso Liibiya , balse waxaa suuragal ah in ay sii kala qaybiso.
Doorashooyiin si nabad ah ku dhaca waxa ay u baahan yihiin biseyl siyaasadeed , hay'ado shaqaynaya iyo qaab dhismeed ciidanka ammaan ah oo u adeega qaranka iyo dadkiisa.
Bal waxa aad meesha ka saartaa mid ka mid ah waxyaabahaasi asaasiga ah waxa aadna samaysay geedi socod aan la go'aansan kaasi oo horseedi kara kalitalisnimo amaba wadada u xaari kara afgembiyo is xigxiga.
Liibiya ma laha meeqaamka tiirarka dimuqraadiyadda lagu billaabo.
Kumaa ayay dan ugu jirtaa ?
"Tani waa wacyigalin ku saabsan halista ay yeelan karto in doorasho la qabto mar dhaw," waxaa sidaasi BBC u sheegay Dublamasi reer galbeed ah.
"Balse waa in aan ka shaqaynaa oo aan u dhaqaaqnaa dhanka xalka ", ayuu intaa ku daray.
Maxaa loo dhiirigalinayaa doorasho?
"Sababtoo ah ma jirto wax kale oo ay beesha caalamka ay qaban karto si ismariwaaga loo soo afjaro , waana in ay muujiyaan in wax uuna ay samaynayaan."

Xigashada Sawirka, AFP
Ergyaga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Ghassan Salame ayaa Ururada siyaasada iyo kuwa militariga ee uu la macaamilayo waxa ay muujiyeen sida ay u doonayaan in ay la shaqeeyaan balse wali caqabad ku ah geedi socodka.
Qaar badan oo ka mid ah dhinacyada dalka Liibiya ayaa doonaya in sida ugu dhaqsiha badan doorasho loo qabto , iyaga oo rajaynayain ay awoodooda dhidibadda u sii aasaan.
"Waxa ugu muhimsan ayaa waxa ay tahay in dhamman dhinacyada ay aqbalaan natiijada doorashada ." ayuu yiri Salame.
Caqabado Dastuuri ah
Dalka ayaa u baahan nidaam sharci ka hor doorashada .
Datuurka cusub ee Liibiya ayaa la qoray, balse ma aha mid uu qof waliba ku qanacsan yahay waxaana mar maxkamad la geeyay kiis ka dhan ah.
Bishan, maxkamadda ugu sareysa ayaa gudoomisay in maxkamadaha hoose aysan xaq u lahayn in ay qaadaan tillaabo sharci oo ku saabsan dastuurka.
Waxa jira fikrado aad u yar oo caddaynaya sida loo qaban karo doorasho.
Qaar ka mid ah dhexdhexaadiyayaasha Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in dastuurka cusub la hirgalin karo lana samayn karo shuruucda doorashada taasi oo fursad siinaysa in la qabto doorasho lagu kalsoonaan karo.
Doorashooyiinkii guud ee la qabtay 2014 ayaa dalkaasi ka dhaliyay jahwareer.
Xilligaasi waxa ay ahayd waqti ayasn kooxaha hubaysan ee iska soo horjeeda aysan si wanaagsan u abaabulnayn islamarkana xaaladda siyaasadeed ay ahayd mid la maarayn karay.
Balse xaaladda ayaa middaasi ka sii halisan imika.










