Kuuriyada Waqooyi oo qoonsatay Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa joojisay ciyaar si wadajir ah u dheeli lahaayeen koox isku dhaf ah oo ka kooban Waqooyiga iyo Koonfurta, taas oo ka dhici lahayd meel ka mid ah Waqooyiga.
Ciyaartan oo ah tan barafka ayaa lagu waday in ay dhacdo 4-ta bisha Feberaayo, waxayna qeyb ka ahayd bandhigyo dhawr ah oo labada dal ay ku heshiiyeen oo ay ka midyihiin ciyaarta kartaayda iyo ciyaaro hiddo dhaqameed ah.
Dowladda Koonfurta ayaa ka laabashada ciyaaraha ee waqooyiga ku tilmaamtay arrin nasiib daro ah, waxayna ugu baaqday in la xajiyo dhammaan heshiisyadii la galay.
Kuuriyada Waqooyi ayaa ka xumaatay warar warbaahinta Koonfurta ay ka qoreen , kuwaas oo la sheegay in ay lid ku yihiin xukuumadda Pyongyang.
Waxaa dhawaanahan la dareemayay isu soo dhawaansho labada dhinac ah.







