Madaxwayne Trump oo si kulul ugu jawaabay Steve Bannon

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxwayne Donald Trump ayaa si kulul u cambaareeyay madaxii hore ee dhanka istaraatijiyada u qaabilsanaa Steve Bannon.
Canbaaraynta madaxwayne Trump ayaa timid ka dib markii Steve Bannon uu ku tilmaamay khiyaano qaran iyo mid aan wadaniyad ahayn kulankii 2016 dhexmaray wiilka Mr Trump iyo qareen u dhashay Ruushka.
Madaxwayne Trump ayaa si caro leh ugu jawaabay hadalkan ka soo yeeray nin mar ahaa mid ka mid ah la taliyayaashiis ay sida aadka ah isugu dhawyihiin.
Mr Trump ayaa sheegay in Steve Bannon uusan shaqo ku lahayn isaga iyo madaxwaynanimadiis midna.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in Banan ay jihadii ka luntay ka dib markii shaqada laga cayriyay.
Madaxwayne Donald Trump ayaa intaa ku daray in Mr Bannon,oo ahaa madxii fulinta ololihiisii doorashada uu door yar ka ciyaar guushii uu ka gaaray doorashada.
Mr Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mr Bannon in uu saxaafada u dusiyay warar been abuur ah si uu ugu muuqdo shaqsi muhim ah.
Steve Bannon ayaa soo wada buug cusub oo uu uga hadlayo madaxwayne Trump iyo aqalka cad.
Xoghayah saxaafada u qaabilsan aqalka cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in buugaasi uu yahay mid ay ka buuxaan been abuur iyo hadalo marinhabaabin ah oo laga soo xigtay shaqsiyaad aan galangal ku lahayn aqalka cad.
Buugan cusub ee uu qoray Steve Bannon ayaa lagu wadaa in la daabaco toddobaadka soo socda.










