Doolsho macaan balse dhimasho sababta

doolsho

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waa doolsho macaan balse dhimasho sababta?

Labo qof ayaa ku geeriyooday Japan dhowr kalena waxay ku sugan yihiin xaalad khatar ah kaddib markii ay ku saxdeen ama ku mergadeen doolsho laga sameeyay bariis oo ay ugu dabaal-degayeen sanadka cusub.

Waxay doolashadu u muuqataa mid aan dhib lahayn, balse sanad kasta waxaa u dhinta dad dhowr ah, tan oo sababtay in digniin laga soo saaro.

Waa maxay mochi?

Doolshooyinkan, oo loo yaqaanno mochi, ayaa ah kuwo si wareegsan loo qaabeeyay lagana sameeyay bariis jilicsan oo macaan.

Bariiska ayaa marka hore la huurinayaa kaddibna waa la shiidayaa.

doolsho

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qasidda iyo shiididda doolshada Mochi ayaa caan ka ah Tokyo

Cajiinka bariiska dheg-dhegga ah ayaa kaddib laga sameynayaa doolshada mocha, kaddibna waa la dubayaa ama la karinayaa.

Qoysaska ayaa dhaqan ahaan u dabaal-dega sanadka cusub iyagoo karinaya maraq qudaar laga sameeyay oo ay ku dhex daraan doolshada mochi.

Sidey dadka u dishaa?

Doolshadan yaryar ayaa ah mid jilican oo dheg-dheg ah. Qiyaas ahaan way ka waaweyn yihiin inta uu qof afka gashan karo, waxay u baahan yihiin in si fiican loo calaajiyo kahor inta aan la liqin.

Qof walba oo aan si fiican u calaajin karin - sida carruurta, amaba dadka waaweyn - way ku adag tahay inay cunaan.

doolsho

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Haddii aadan calaajin karin, fadlan jar jar, kooxaha gargaarka deg degga ah ayaa ku baaqaya

Haddii aan la calaajin oo si fudud loo liqo, doolshadan ayaa ku dhegeysa dhuunta - waxay sababi kartaa inuu qofku ku mergado, sidaana ku dhinto.

Sida ay baahisay warbaahinta Japan, 90% dadka loola cararay isbitaalka ee ku mergaday doolshada ayay da`doodu u dhaxeysaa 65 iyo intii ka weyn.

Habkee ugu wanaagsan ee loo cunaa doolshadaasi?

Calaaji, calaaji, calaaji. Haddii aysan taasi suurto-gal ahayn, doolshadan bariiska ka sameysan ayaa u baahan in si yaryar loo jarjaro.

Sanad walba, dowladda ayaa soo saartay digniin ay dadka u dabaal-degaya sanadka cusub kula talineyso - gaar ahaan carruurta iyo duqeyda - inay keliya cunaan doolshada mochi oo si yaryar loo jarjaray.

Iyadoo digniintaasi ay jirto, ayaa haddana dad badan ay sanad kasta u dhintaan doolshada.