You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hogaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga oo baajiyay kulan ay Trump la lahaayeen
Hogaamiyeyaasha xubnaha xisbiga dimuqraadiga ee aqalka congress-ka ayaa baajiyay kulan ay la lahaayeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka dib markii uu ku weeraray Twitterka.
Madaxweynahan Jamhuuriga ah ayaa sheegay in uusan filaynin in uu wax is afgarad ah la gaaro Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer marka ay timaaddo meelmarinta kharashaadka dawladda.
Masuuliyiinta xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in ay wada xaajoodka la gali doonaan xubnaha Jamhuriga badalkii ay Trump iska arki lahaayeen.
In ay bishan ka baaqsadaan is mariwaa ayaa ah caqabadda u wayn ee hortaalla xisbiga Jamhuuriga toddobaadkan.
Sharci dajiyeyaasha ayay sidoo kale cadaadis ka haysataa meelmarinta qorsheyaasha canshuurta si ay u horgeeyaan madaxweynaha dhammaadka sannadkan.
Guddiga miisaaniyadda ee xubnaha Seneterada ee Jamhuuriga ayaa meelmariyay Talaadadii, todobaadkan ayaase la filayaa in aqalka Senetku uu u codeeyo.
"Waxaan u malaynayaa waan meelmarin doonaa," ayuu yiiri Trump oo sharcidajiyeyaasha kula hadlay kulan uu Arbacadii kula yeeshay Capitol Hill.