You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Israa'iil oo diyaar u ah in ay Sucuudiga gacan siiso
Madaxa militariga dalka Israa'iil ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in Sacuudiga uu kala shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa galaangalka Iiraan ee bariga dhexe.
General Gadi Eisenkot ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Sacuudiga ee Elaph in Israa'iil ay diyaar u tahay in Sacuudiga ay la wadaagto macluumaadka la xiriira sidii Iiraan looga hortagi lahaa.
Hasa yeeshee Mr Eisenkot ayaa sheegay in Israa'iil aysan doonayn in ay weerarto ururka Xisbulah ee gacan saarka la leh Iiraan.
Israa'iil iyo Sacuudiga ma laha xiriir dublamaasiyadeed oo rasmi ah.
Galaangalka dowladda Iiraan ee bariga dhexe ayaa sii xoogaysanayay muddooyiinkii ugu dambeeyay .