You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yemen oo wajahaysa 'macaluushii ugu xumayd' dunida
Dalka Yemen ayaa wajahaya macaluushii ugu xumayd ee soo marta muddo tobannaan sano ah "iyadoo ay arrintaasi waxyeelayn doonto malaayiin dad ah" haddii aan gargaarkii banii'aadminimo la soo celinin, sida uu ka digay sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan.
Mark Lowcock oo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay wakiil uga ah arrimaha banii'aadannimada, ayaa dalbaday in xulafada ay Sacuudigu hogaaminayaan ay qaadaan go'doominta ay ku hayaan dalkaas ay colaaddu mashaqaysay.
Isniintii ay xulafadu xirtay marinadii dhulka, badda iyo kuwa cirkaba, ka dib markii Xuutiyiintu ay gantaal ku rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Gantaalkaas ayaa lagu qabtay caasimadda agteeda.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in go'doomintan loogu baahday si loo joojiyo hubka ay Iiraan u dirayso jabhadaha.
Lowcock ayaa hadalkaas ka sheegay Arbacadii, kulan xog iswaydaarsi ah oo ay albaabada u laabnaayeen oo uu la qaatay Gollaha Ammaanka.
"Waxaan u sheegay Gollaha in la qaado talaabooyin kaas mooyee … Yemen macaluul baa ka jiri, ayuu Lowcock u sheegay saxafiyiinta.
"Waxayna noqon doontaa macaluushii ugu xumayd ee adduunka soo marta tobannaan sano, taas oo waxyeelayn doonta malaayiin dad ah".