Itoobiyaan xasuuq loo haysto oo maxkamad lagu soo taagay Hague

Xigashada Sawirka, Getty Images
Itoobiyaan dhalashada Netherlands haysta ayaa maxkamad lagu soo taagay maanta magaalada Hague, isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo kala duwan.
Eshetu Alemu waxaa lagu eedeeyay in uu amray dilka 75 ruux oo ku sugnaa kaniisad sannadihii 1970yadii, markaas oo uu dhacay dilkii dhiigga badan ku daatay ee loo bixiyay "Red Terror".
Ninkan 63 jirka ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay jir dil, si banii'aadannimo ka baxsan ula dhaqmid, kuwaas oo ay ka mid yihiin, lugaha iyo gacmaha ka xirxirid, meel sare ka soo laalaadin iyo in dadka oo aan kabo qabin cagaha laga garaacay.
Eshetu ayaa kaaliye u ahaa kaligii taliye Mengistu Haile Mariam oo Itoobiya horay madaxweyne uga soo noqday oo haddana dibad joog ah.
Dacwadahaas ayuu rajaynayay in uu ka baxsado isaga oo dibad joog ku noqday Yurub, Itoobiyana isaga oo maqan ayay ku xukuntay dil.
Hadda dhalashada Netherlands ayuu haystaa, labada toddobaad ee soo socdana dad la sheegay in ay dhibaneyaashii yihiin ayaa maxkamadda u sheegi doona wixii ay la kulmeen iyaga oo rajaynaya in ay arkaan caddaaladdii ay wakhtiga dheer sugayeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mingustu ayaa Itoobiya ka arriminayay tan iyo sannadkii 1977dii isaga oo gacan bir ah dadka ku maamulayay ka dib markii xukunka laga tuuray boqor Haile Selassie sannadkii 1974tii.
Intaas ka dibna 1991dii ayaa xilka laga tuuray ka dib markii ay jabhado badan ku kaceen.
Waa arrin naadir ah in maxkamaddaha Netherlands ay qaadaan kiis noocan oo kale ah.










