You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tirada dhimashada qaraxyadii Muqdisho oo korodhay
Waxaa koradhay tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii galabta ka dhacay magaalada muqdisho.
Qaraxyadan oo ahaa labo qarax ayaa waxa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay ku dhinteen 14 qof.
Qaraxa hore ayaa waxa uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hotelka NAASA HABLOOD 2 oo ku yaal inta u dhaxaysa Ex-Baarlamaan iyo Tiyaatarka.
Ka dib qaraxa ayaa waxaa hotelka galay koox hubaysan halkaasi oo risaas laga maqlayay.
Saraakiisha gurmadka ambalaasyada ayaa BBC-da u xaqiijiyey in 17 dhaawac ah goobta ay ka qaadeen.Kooxda Alshabab ayaa sheegatay masuuliyada labada weerar ee Muqdisho ka dhacay.
Qaraxyadani ayaa ku soo beegmay ka dib qaraxii waynaa ee 14 bishan ka dhacay muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof.