You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Walaalaha wabiga iyo buuraha ka tallaaba si ay iskuul u aadaan
- Author, Vikas Pandey & Anna Bressanin
- Role, BBC News, Delhi
Si aad u daawato muuqaalkan waxaad u baahantahay barnaamijyadii ugu dambeeyay Chrome, Opera, Firefox ama Internet Explorer in kumbuyuutarka aad ku shubtid.
Haddii aad taleefoonka ka daawanaysid - waxaad u baahantahay barnaamijyadii ugu dambeeyay ee YouTube app / Android / iOS.
Radhika iyo Yashoda ayaa maalin kasta iskuulkooda u gala safar qaadanaya lix saacadood. Waxa ay ku noolyihiin tuulo ku taala dhulka buuralayda Himilayas ee dalka Hindiya halkaas oo aysan jirin waddooyin iyo gaadiid.
Labadani gabdhood ma jiro wax caqabad ah oo ka hor joogsan karta in ay iskuulka tagaan, waxayna maraan dhibaato badan si ay waxbarashada u dhamaystaan.
Subixii marka ay hurdada ka kacaan oo ay wajiga dhaqdaan waxa ay isku maaweeliyaan kaftan iyo qosol , balse hawsha hortaala ma ahan mid ciyaar ah.
Safarkooda iskuulka waxa uu ka bilaabanayaa lug, iyaga oo sii dhexmaraya kaymaha dhirtu magooshay, kadibna ka talaabaya wabiyada biyuhu haraacinayaan, iyo waliba buuraha dhaadheer ee ay adagtahay in la tafo.
Gabdhahan oo kala ah 14 jir iyo 16 jir ayaa waxa ay ka lix caruur ah oo safar dheer maalin kasta u aada iskuulka maalin kasta.
Aabayaashood ayaa subax kasta gacanta u haadiya, iyaga oo dhoolacadeynaya, balse aanan hubin waxa ay dariiqa kula kulmi doonaan.
Safarka waxa uu qaadanayaa illaa 3 saacadood sii socodka , iyo 3 saacadood oo soo noqodka ah, waana waddada kaliya ee loogu kala gooshi karo tuulada ay caruurtan degenyihiin oo lagu magacaabo Syaba ee gobolka Uttarakhand iyo magaalooyinka uu iskuulka ku yaalo ee Maneri iyo Malla.
Qeybta ugu daran ee safarka waa marka ay gudbayaan wabiga Bhagirathi , halkaas oo ay kala tallaabaan wiish ka samaysan xarko iyo biro la dhexgalo.
Waa shaqo u baahan xoog iyo tamar badan, sababtoo ah waa in ay iyaga jiidaan xarigga si wiishka uu u socdo, mararka uu roobka jiro xarigga waa ka culusyahay mararka kale, waxaana soo gaara dhaawac.
Dadka tuulada waxa ay kaaga sheekeynayaan dhibaatada ay ka maraan wiishkan, qaarkood ayaa ku waayay farahooda, qaarkood ayaa ka dhacay.
Gabdhahan waxa kale ee walwalka ku haya ayaa ah dharka iskuulka oo midabkiisu cadyahay, iyo wiishka oo leh oolyo madoow oo ay tahay in ay markasta ka illaaliyaan in ay dharka uga haloowdo.
Duurka baaxadda leh ee ay sii dhexmaraan ayaa isagana u keeni kara halis kale oo oo kaga imanaysa duurjoogta sida shabeelka.
Illaa 200 oo tuulo oo kale sida Syaba ayaa ku yaala gobolkan oo 400 km u jira magaalada caasimadda ah ee Delhi.
Inta badan tuulooyinkan ma lahan wax waddo ah oo gasha, qaarkood oo yar ayaa leh waddo loo maro .
Yashoda waxa ay ku haminaysaa in ay noqoto booliis, halka Radhika ay doonayso in ay noqoto macalimad.
Labadan gabdhood waxa ay aad u jecelyihiin tuuladooda iyo deegaanka dabiiciga ah ee ay ku noolyihiin.
Marka ay iskuulka usii socdaan waxa ay biyaha ka cabbaan biyo dhacyada. Sidoo kale marka ay fasaxa leeyihiin waxa ay deegaankan qurxoon ku ciyaaraan heesaha aflaamta Bollywood-ka iyaga oo jilaya atariishooyinka caanka ah oo kale.
Gurigooda ma lahan dhalo ama TV, balse guriga adeerkood ayuu mid u yaalaa, mararka qaarna dadka dhan ayaa dhaladaas hor fariista si ay u daawdaan.
Caruurta tuuladan ku nool waxa ay iskuulka kaga haraan sanadka 9aad, haddii ay tahay in ay waxbarashada sii wataan waa in ay halkan ka tagaan oo ay aadaan magaalooyinka waaweyn.
.