You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cayilka siyaadada ah oo ku faafaya carruurta iyo da'yarta caalamka
Waxaa toban jibaar sare u kacay cayilka siyaadada ah ee fuula carruurta iyo dhallinyarada da'da yar, afartankii sano ee u dambeeyay, taas ayaa ka dhigan in 124 milyan oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo adduunka ku nool ay aad u cayilan yihiin, sida ay muujinayso cilmibaaris cusub oo la sameeyay.
Cilmi baaristan lagu qoray Lancet ayaa ah middii ugu baaxadwaynyd ee nooceeda ah waxayna u muuqataa in cayilka siyaadada ah uu ku faafayo in kabadan 200 oo dal.
Marka la fiiriyo UK tobankii ilmood ee dadoodu u dhaxayso 5 ilaa 19 mid ka mid ah ayaa aad u cayillan.
Carruurta aadka u cayillan ayay u badan tahay in ay sii cayilnaadaan marka ay waynaadaan, taas oo u keenaysa halis caafimaad oo baxad leh, sida ay khuburadu sheegayaan.
Baaritaanka Lancet ayaa lagu beegay maalinta cayilka adduunka.
Muasasadda cayilka Adduunka ee WOF ayaa ka digaysa in dawaynta xanuunnada ka dhasha cayilka siyaadada ah in ay adduunka kaga bixi doonto 920 bilyan sannad kasta meesha lagu gaaro 2025ka.