Rabshado ka dhashay aftida Catalonia ee dalka Spain

Rabshadaha ka taagan gobolka Catalonia

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Rabshadaha ka taagan gobolka Catalonia

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen kaddib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka kunool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go'aan Spain inteeda kale.

Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta. Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia. Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka.

Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray falkani micna darrada.

Aftida gobolka Catalonia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aftida gobolka Catalonia

Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Dadka kunool gobolkaasi ayaa saaka bilaabay inay safaf dhaadheer u galaan goobaha codeynta aftida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.