Cilmi baarayaal ka digay cunidda hilibka badan

Antibiotic

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Antibiotic

Warbixin cusub oo lagu daabacay wargeyska arrimaha Sayniska ka hadlo ayaa lagu sheegay in yareynta tirada hilibka ay dadku cunaan, in ay sare u qaadeyso waxtarka daawada antibiotic-ga.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in xannibaad adag la dul dhigo daawada Antibiotic-ga ee la siiyo xoolaha.

Tallaabadaas ayaa looga fogaan karaa in dhibaato la xiriirta daawadan ay saameyso dunida, sida wargeyska lagu qoray.

Khubarada hogaaminayay baaritaanka waxay sheegeen in go'aamo adag oo keli ah lagu yareyn karo daawada antibiotic-ga la siiyo xoolaha.

Waxay dalbanayaan in la gaarsiiyo illaa 80% boqolkiiba, ama laga yareeyo intaa.

Bakteeriyada dadka looga daaweeyo antibiotic-ga ayaa hadda awood u yeelatay in ay u adkeysato daawada diyaarka ah ee caalamka taalla.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegayaan in qofkastaa u baahan yahay in uu iska yareeyo cunidda hilibka uu maalin kaste qaato.

Dalabka hilibka ee dunida oo aad u sii badanaya ayaa xoolalayda ku qasbaya in ay isticmaalaan Antibiotic badan oo la siiyo xoolaha..

Xoolaha ugu badan ee la siiyo waa lo'da, digaagga iyo kuwa kale ee dalabkoodu sarreeyo.

Waxaa arrintaas ka dhashay in daawada ay dhibaatooyin u keentay xoolaha, ayna u gudbikaraan dadka hilibkooda cuna maalinkasta.

Daawada la siiyo xoolaha waxay seddax jeer ka badan tahay midda caadiga ah ee dadka caalamka lagu daaweeyo.

Hadaba, in xoolalayda ay yareeyaan isticmaalka antibiotic-ga, waxaa loo arkaa dadaal fiican oo wax wanaagsan looga dhigo daawada dadka la siiyo.