Qaramada Midoobey ma waxa ay ku guuldareysatay joojinta dhibaatada Rohingya?

Qaxootiga Rohingya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaxootiga Rohingya

Hoggaanka Qaramada Midoobey ee ku sugan Myanmar ayaa isku dayay in ay joojiyaan in laga hadlo xuquuqda dadaka Rohingya loona gudbiyo cabashada dowladda Myanmar ,waxaa sidaasi BBC u sheegay ilo wareedyo laga helay Qaramada Midoobey iyo hay'adaha Samafalka.

Sargaal horey uga tirsanaan jiray Qaramada Midoobey ayaa sheegay in madaxa Qaramada Midoobey ee Myanmar uu isku dayay in uu ka hor joogsado in dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ay booqdaan goobaha xasaasiga ah ee ay ku nool yihiin dadka Rongya.

In ka badan 500,000 oo ah dadka Rohingya ayaa ka qaxay howlgalo ay militariga Myanmar ku bartilmaameedsanayaan.

Qaar badan oo ka mid ah dadkan qaxay ayaa waxay imika ku nool yihiin xerooyiin ku yaalla dalka Bangladesh.

Qaramada Midoobey ayaa beenisay xogta ay heshay BBC iyo eedeeynta.

Bil ka hor inta aysan qaxa billaabin dadka Rohingya ayaa waxay Qaramada Midoobey hormuud u ahayd jawaabaha la bixinayo waxa ayna canbaaraysay xukuumada Burma.

Balse ila wareedyo laga helay gudaha Qaramada Midoobey iyo hay'adaha gargaarka oo ku sugan gudaha iyo dibadda Myanmar ayaa u sheegay BBC-da, in afar sano ka hor inta aysan billaaban dhibaatada hadda jirta uu madaxa Qaramada Midoobey ee Myanmar Renata Lok-Dessallien.

  • uu isku dayay in uu hor istaago dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha in ay gaaraan gobaha ay ku nool yihiin dadka Rohingya.
  • Waxa uu isku dayay in uu uu afka qabto dadka ka hadla mowduuca Rohingya.
  • Waxa uu u diiday in ay ka hadlaan shaqaalaha isku dayay in ay ka digaan in isir sifey ay soo socoto.
Qaar ka mid ah Tuulooyiinka oo la gubay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah Tuulooyiinka oo la gubay

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka, Caroline Vandenabeele,ayaa aragtay calaamado muujinaya digniin.

Waxa ay ka soo shaqaysay Rwanda markii sanddii 1994 uu halkaasi Xasuuqa ka dhacayay,markii ay Myanmar soo gaartay Vandenabeele ayaa aragtay calaamado walaac leh oo la mid ah kuwii ay Ruwanda ku aragtay.

" Vandenabeele ayaa tiri"waxa aan maqlay Mid ka mid ah dadka Burma oo dhahaya 'waa in aan dilnaa dhamaan sida Eeyga oo kali '.

Caroline Vandenabeele ayaa sheegtay in ay xaqiiqsatay in bulshada dhexdeeda ay caadi ka noqdeen rabshadaha.

Sanaddii 2012,isku dhacyo ku dhex maray gobolka Rakhine Muslimiinta Rohingya iyo dadka Buudistaha ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof islamarkana in ku barakaceen in ka badan 100,000 oo ah dadka Rohingya oo ku jiray xero looga sameeyay,Sittwe oo ah caasmida Rakhine.