Sawirradii toddobaadkan ugu soo jiidashada badnaa Afrika
Sawirro xul ah oo usbuucan laga soo uruuriyay qeybaha kala geddisan ee qaaradda Afrika iyo dadyowga Afrikaanka ahi ee ku nool dunida daafaheeda.

Qaxooti Soomaaliyeed oo Dhadhaab ku muddaharaadaya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku wareejisay sarkaal ka tirsan jabhadda hubeysan ee ONLF. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sarkaalkaasi oo ku magac dheer Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa xarakada Al-Shabaab. ONLF iyo Al-Shabaab labaduba waa ay beeniyeen in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa Al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, AFP
Gabadha ku guuleysatay tartanka quuruxda ee Gabon oo dhoola caddeynaysa xilli sabtigii la soo dhaafay marti sharafka xafladda uu madaxa u saarayo taaj. Gwen Madiba ayaa ku guuleysatay tartankii sanadkan lagu qabtay Durban, kaa oo ay ku tartamayeen haweenka da'doodu u dhaxayso 25 iyo 45 ee leh xaaska, xirfad isla markaana ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isla maalintaasi, nin waardiye ah ayaa waxa uu taagnaa illinka qasriga amiirka Kano, ka hor furitaanka xafladda Durbar oo qayb ka ah debbaaldegyada Ciidda Carrafa ee woqooyiga Nigeria.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jimcihii la soo dhaafay ayaa baadariga ugu sareeya Qibdiyiinta Pope Tawardros II waxa uu khudbad ka jeediyay kaniisadda St Mina Cathedral ee ku taalla magaalada Sydney ee dalka Australia. Dalkaasi ayaa ah waddanka saddexaad ee ay ku nool yihiin Qibdiyiinta ugu badan ee ku nool meel ka baxsan dalka Masar..

Xigashada Sawirka, Reuters
Isla Jimcihii, koox rag ah ayaa waxa ay caleenta ka gurayeen geed gaab ka dhex baxay biyaha harada Tana ee woqooyiga Itoobiya. Geedkan ayaa halis ku haya hawl maalmeedka kalluumeysatada bariga Afrika.

Xigashada Sawirka, EPA
Isla maalintaasi, nin u dhashay Kenya ayaa waxa fuulay bir muujineysa calaamadaha waddooyinka oo ku taala bannaanka hore ee maxkamadda ugu sareysa dalkaasi ee caasimadda Nairobi, halkaasi oo guddoomiyaha maxkamaddaasi David Maraga uu waxbo kama jiraan ka soo qaaday natiijadii doorashadii madaxtinnimada ee bishii siddeedaad ka dhacday dalkaasi. Magaca waddadaasi ayaa waxaa markiiba baddalay dad ku faraxsan go'aanka maxkamadda waxayna ku badaleen magacyada guddoomiyaha maxkamadda iyo qareenkii u doodayay mucaaradka Kenya, James Orengo.

Xigashada Sawirka, AFP
Taageerayaasha kubadda cagta ee dalka Masar oo u sacabbo tumaya xulka qaranka kaddib markii ay xulka Uganda uga badiyeen hal iyo eber, is-reereebka qaramada ugu gudbayaan tartanka koobka adduunka ee sanadka 2018. Sam Morsy oo qadka dhexe uga dheela kooxadan reer Masar ayaa sheegay in kooxdooda ay hal tallaabo u jiraan in ay ka qayb qaataan oo ay waliba ku guuleystaan koobka kubadda cagta ee adduunka.

Xigashada Sawirka, AFP
Ammo Aziza Baroud oo ah safiirka cusub ee dalka Chad uu dhawaan u dirsaday dalka Netherlands oo waraaqaheedii safiirnimmo u gudbisay boqorka dalkaasi ee Willem-Alexander.

Xigashada Sawirka, Reuters
Askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalka Cameroon oo taagan albaabka xabsi ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Yaounde ka hor inta aan xabsiga laga soo daayin hawlwadeenno ka tirsan kooxaha u dhaqdhaqaaqa dadyowga ku hadla luuqadda Ingiriiska. Madaxweyne Paul Biya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay in la sii daayo hawlwadeennadaasi balse ilaa haatan lama oga tira la sii daayay iyo tirada markii horeba la xiray.










