Duuliye diyaaraddii uu waday ka soo dhacay

Xigashada Sawirka, AFP
Ciidammada Belgium ayaa dhanka bari ee dalkaas ka baadigoobaya duuliye diyaaradeed oo ka soo dhacay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo hawada dhoolatus ku samaynaysay.
Saddex askari ayaa ka soo booday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo nooceedu yahay Agusta A-109 iyaga oo baalashuudyo wata, laakiin duuliyaha iyo caawiyihiisu ma aysan wadanin baalashuudyo, sida ay ku warrantay warbaahinta Belgium.
Waxay sheegeen in caawiyuhu uu gacan siiyay saddexda nin ee diyaaradda ka boodayay balse markii uu soo gacan bannaanaaday wuxuu arkay kursigii duuliyaha oo bannaan iyo albaabkiisii oo aad u ballaqan.
Maamuliddii diyaaradda ayuu durba la wareegay si nabad ah ayuuna ku soo dajiyay.
Dhoolatuskan hawadda ah wuxuu ka dhacayay Amay oo u dhaw Liège.
Bayloodku wuxuu ka soo dhacay meel dhulka ka sarraysa boqolaal mitir.
Sababta uu bayloodku u soo dhacay ilaa iyo hadda lama oga.

Xigashada Sawirka, AFP






