Diyaarad ku dagtay Sydney ka dib markii uu matoorkeedii duleeshamay

Xigashada Sawirka, EPA
Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee China Eastern Airlines ayaa dib ugu laabatay garoonka magaalada Sydney ee dalka Australia ka dib markii cillad gashay ay horseedday in uu duleeshamo dahaadhkii matoorka.
Diyaaraddan oo Flyt lambarkeedu ahaa MU736 ayaa ka duushay magaalda Sydney iyada oo ku sii jeedday Shanghai, laakiin duuliyaha ayaa cilad soo sheegay markii ay hal saac hawada ku sii jirtay.
Rakaabka oo habeen joogay garoonka Sydney ayaa warbaahinta u sheegay in u soo ureen wax ku dhex gubanaya diyaaradda gudaheeda.
Diyaaradda oo nooceedu ahayd Airbus A330 ayaa cagodhigatay iyadoo badqabta lamana soo sheegin cid wax ku noqotay.
Sawirro aad u dhexwareegay baraha bulshada ayaa muujinaya duleel wayn oo ka samaysmay dahaadhkii matoorka.
Rakaab kala duwan ayaa sheegay in ay maqleen dhawaq xoog badan oo ka soo yeeray dhanka matoorka bidixda ah wax yar uun ka dib markii ay diyaaraddu duushay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qof ka mid ah rakaabka ayaa warbaahinta Seven News ee dalka Australia u sheegay in ay durba maqleen dhawaqa ayna u soo ureen siddii wax gubanaya.
"Aad ayaan u cabsaday, kooxdanadiina aad ayay u baqeen". ayuu sii raaciyay.
- Gabdho ka cabanaya in kuwa ka quruxbadan looga xagliyo
- Caro ka dhalatay rakaab xoog looga dajiyay diyaarad
- Madaxweynaha Philippine: Dad aan musuq ku tuhmay ayaan diyaarad ka soo tuuray
- Duuliye khamri cabay oo 8 bilood oo xabsi ah lagu xukumay
- United Airline oo raaligelin ka bixsay raakaabkii xogga looga dajiyay diyaaradda
Greg Waldron oo ah khabiir dhanka duulimaadyada hawadda ah ayaa BBC u sheegay in ay "adagtahay in hadda wax laga sheego waxa sababay waxyeeladan intaas la eg ee soo gaaray diyaaradda shirkadda China Eastern.
Wuxuu intaas ku daray in baareyaashu ay darsi doonaan waxyaabaha ay macquulka tahay in ay sababeen iyo diiwaanka cilladihii horay u soo foodsaaray diyaaradda.

Xigashada Sawirka, Reuters











