Diyaarad ku burburtay Melbourne oo shan ruux dishay
Shan ruux oo u dhalatay dalka Maraykanka iyo duuliye reer Australia ah ayaa dhintay ka dib markii ay diyaaraddoodu ku dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Booliisku waxay sheegeen in ay u muuqato in ay cilad wayn gashay matoorka diyaaradda sidaadii ay uga duushay garoonka yar ee diyaaradaha ee Essendon Airport.
Inkastoo ay burbur baaxadleh gaysatay diyaaraddu haddana lama sheegin qof dhulka joogay oo ku dhintay shilkan.

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, AFP
Daniel Andrews oo madax ka ah gobolka Victoria ayaa sheegay in shilkan diyaaraddu uu yahay kii u xumaa ee soo wajaha duulimaadyada dadwaynaha muddo 30 sano ah.
"Waa maalin murugo badan ayuuna sii raaciyay
Gabadh u hadashay dhismaha uu ay diyaaraddu ku dhacday ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii goobtaas ay bad qabaan.
Wakhtiga uu shilku dhacayna wuxuu ahaa ka hor wakhtigii loo furi jiray dadka ka adeegta ee shacabka ah.
Safaaradda Maraykanka ayaa xaqiijisay in afarta ruux ee dhimatay ay ahaayeen muwaadiniintooda.

Xigashada Sawirka, Twitter

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters












