You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Booliiska Sacuudiga oo sii daayay wiilkii qoob ka ciyaarka lagu xiray
Booliiska Sacuudiga ayaa sii daayay wiilkan 14-jirka ah oo la xiray kaddib markii uu shaac baxay muuqaal ku saabsanaa isagoo qoob ka ciyaar ku sameynaya heesta Macarena waddo mashquul ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in wiilkan uu saxiixay inuusan mar dambe sameyn doonin fal khatar gelinaya naftiisa iyo nafta dadka kaleba.
Wasaaraddu ma aysan carrabaabin, balse waxay sheegtay inuu haystay dhalashada waddan akle oo Carbeed.
Muuqaalkan oo 45-ilbiriqsi soconaya ayaa la duubay sanadkii hore, waxaana la arkayay isagoo hakad geliyay isu socodka gaadiidka waddo shan jid ah oo ku taalla magaalada Jeddah.
Isagoo xirnaa sameecadaha madaxa, ayuu qoob ka ciyaar ku sameynayay heesta soo baxday sanadihii 1990s.
Talaadadii, kaddib markii muuqaalku uu soo baxay ayaa waxaa si weyn la iskula wadaagay baraha bulshada, wiilkan ayaa waxaa magaalada Mecca uga yeeray booliiska si ay su`aalo uga weydiiyaan dhaqan-xumada ay sheegeen inuu ku kacay.
Go`aanka ayay dad badan ku cambaareeyeen barta Twitter-ka iyagoo ku sheegay inuu yahay xad-gudub ka dhan ah carruurnimada, Arbacadiina wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in wiilkalaga sii daayay xabsiga kaddib markii uu saxiixay codsi qoran.
Waxay wasaaraddu sheegtay in sababta wiilka loogu yeeray ay ahayd in looga digo falalka khatarta gelinaya naftiisa iyo dadka kaleba.
Horraantii bishan, fannaan ayaa la xiray xilli bandhig-faneed lagu qabtay dalkaasi muxaafidka islaamiga ah, oo heesaha reer-galbeedka iyo qoob ka ciyaarkuba ay dembi ka yihiin.