Wasiir Turki ah oo laga hor istaagay in uu galo Austria

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xukuumadda Austria ayaa wasiirka dhaqaalaha ee dalka Turkiga ka hor istaagtay in uu soo galo dalkeeda si uu uga qaybgalo xalfad lagu maamuusayay sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay isku daygii inqilaabkii dhicisoobay.
Booqashada Nihat Zeybekci ayaa halis u keeni karta "kala dambaynta iyo ammaanka dadka" ayuu yiri afhayeen u hadlay dawladda Australia.
Dawladda Turkigu durba kama aysan jawaabin go'aankaas.
Xiriirka labada dal u dhexeeya ayaa horayba u sii kacsanaa ka dib markii dawladda Austria ay dhaliishay sida looga jawaabay inqilaabkii dhicisoobay.
In kabadan 50,000 oo ruux ayaa la xiray 140,000 ruux oo kalana shaqada ayaa laga cayriyay ama laga fariisiyay intii lagu guda jiray xaaladda degdegga ah ee Turkiga ka jirta tan iyo markii uu milatarigu isku dayay in uu xilka la wareego 15 Luulyo.

Xigashada Sawirka, Reuters






