You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sacuudiga oo gacanta ku dhigay Askar Iiraaniyiin ah
Wasaarada Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in la xiray saddex askari oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan.
Askartan la xiray ayaa lagu qabtay iyagoo u soo dhowaaday biyaha dalka Sacuudiga gaar ahaan ceelka saliida ee Marjan.
Sacuudiga waxaa uu intaasi raaciyay in ragan la qabtay ay damacsanaayeen inay falal gaystaan.Waxayna wateen doon la sheegay inay ku soo dhowaatay ceelka shidaalka ee Marjan,
Waxaa sidoo kale baxsatay doon kale oo la sheegay inay la socotay middan la qabtay, Balse dowladda Iiraan ayaa sheegaysa in doomahan la qabtay ay ahaayeen kuwo kaluumaysi.
Waxaa jirra khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labadan dowladood ee Iiraan iyo Sacuudiga.