Nigeria : Raashinka Mucaawanada waa la leexsadaa

Dalka Naigeria wararka ka imanaya waxay sheegayaan in kalabar raashinka loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada Boko-Haram aysan gaarin dadkaasi.

Kudhowaad sadax milyan oo qof ayaa ku barakacay colaada dalkaasi ka taagan mudo sideed sano ah oo ay Boko-Haran dagaal waday.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in nidaam cusub oo dhowaan la hirgeliyey uu aad u dhimay in la leexsado mucaawinada.

Waxaana hadda raashinka mucaawinada ah galbiyay ciidanka dowladda ilaa laga geeyo halka loo wado.

Waxaana hadda la wadaa kumanaan gaari oo mucaawino u wada gobolka Waqooyiga Bari.

Dad lagu qiyaasay hal milyan iyo bar qof ayaa bartanka kaga jirra musiibo ba'an oo jirta.

Waxaana weli socda weerarada ay kooxda Boko-Haram gaysanayso. Inkastoo ciidankana ay weeraro qaadaan