You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ayatullah Cali Khamani oo eedeeyay Sucuudiga
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa dagaal kharaar oo dhanka afka ah ku ku qaaday dalka Sacuudi Carabiya oo loolan siyaasadeed kala dhaxeeyo dalkiisa.
Ayatollah Cali Khamenei oo ka hadlayay isu soo bax lagu soo dhoweynayay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dowladda Sacuudiga ku eedeeyay in ay tahay mid xun oo jaahil ah isla markaana diidday in ay ku dhaqanto Qur`aanka Kariimka.
Wuxuu xusay in hoggaamiyeyaasha Sacuudigu siduu ku sheegay ay yihiin kuwo sida lo`da oo kale uu isaga maalo Mareykanka.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhowaan aqbashay in ay Mareykanka ka iibsadaan hub qiimihiisu yahay in ka badan boqol bilyan oo dollar.
Mareykanka ayaa u arka Sacuudiga in uu yahay saaxiib dhow oo kala shaqeynaya la dagaallanka in saameynta Iiraan ay ku baahdo Bariga Dhexe.