You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nin lagu dilay bartamaha magaalada London
Nin toori lagu dilay ayaa laga helay bas marayay bartamaha magaalada London.
Ninkan oo 48 jir ah ayaa la helay isaga si xun loo tooriyeeyay.
Baareyaasha ayaa sheegay in ninkani uu baska ka soo raacay Brent Cross balse ay baarayaan goobta uu marayay basku marka ay tooriyayntu dhacday.
Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa daweeyay balse isla goobtii ayay ku sheegeen in uu geeriyooday, ilaa iyo hadda cidna looma qabanin weerarkaas.
Booliiska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in ay aqoonsadeen qofka la dilay balse ay xaqiijin ka sugayaan qofka ugu xiga oo ay ku wargaliyeen dhacdadan.
Noel McHugh oo u hadlay booliiska ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xog ka helaan dadkii ku safrayay baskaas amaba macluumaadka haya dhacdadan.
"Muhiim ayay noo tahay in aan la hadalno qof goobjooge ahaa" ayuu hadalka sii raaciyay.
- Nin Soomaali ah oo loo xiray dil ka dib weerar ka dhacay bartamaha London
- Bangiyada ayaa ka digay in shaqooyin laga rari doono London
- Trump wiilkiisa oo weeraray duqa magaalada London
- Faahfaahin laga bixiyay ninkiii London ka geystay weerarka
- Oradyahan Itoobiyaan ah oo mudaaharaad ka dhigaya tartanka London