You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Caalamku macluul ma ka badbaadin karaa Yemen?
Shir dhaqaale loogu arruurinayo dalka Yemen ayaa ka dhacaya Geneva Talaadadan, iyadoo badhtanka lagaga jiro wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay xaaladdii bani'aadamnimo ee ugu waynayd ee adduunka.
Intii uusan Yemen ka billaabanin dagaalka u dhaxeeya xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo ee taageeraysa dawladda Yemen iyo jabhadaha xuutiyiinta ah Yemen waxay ahayd wadanka ugu fiqiirsan ee Bariga Dhexe.
Hadda oo dagaal sokeeye ka socday labo sanana Hay'adda Cunnada Adduunku waxay sheegaysaa in dalku uu qarka u saran yahay macaluul.
Bulshada Yemen waa 25.6 milyan oo ruux 19 milyan oo ka mid ah ayaana u baahan gargaar degdeg ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Ku dhawaad todobo milyan oo dadkaas ka mid ah "damaanad cunto la'aan oo daran ayaa haysata", taas oo ka dhigan in ay si degdeh ah cunto ugu baahan yihiin. Labo milyan oo carruur ahna nafaqo darro ayaa haysata.
"Xaaladda halkaas taala masiibo waxba kama sokayso" sida uu sheegay Robert Mardini oo ah madax hawlgallada Bariga Dhexe ee hay'adda ICRC, wuxuuna dhawaan ka soo laabtay dalka Yemen.