Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u diray Raqa

Xigashada Sawirka, Cpl. Demetrius Morgan/US Marine Corps
Mareykanka ayaa dhowr boqol oo ciidamo marinis ah u diray Suuriya si ay u caawiyaan maleeshiyaad deegaanka oo duullaan ku ah Raqa.
Magaalada oo ay daacish maamusho ayaa la filayaa in dhinacyo kala duwan looga duulo.
Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay halkaasi gaareen.
Waxay sameysanayaan meelo ay ku rakibtaan madaafiic ay doonayaan inay ku duqeeyaan fariisimaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka.
Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa sidoo kale halkaasi ku sugan, waxayna talo siinayaan maleeshiyada Kurdiyiinta ee SDF.
Isbeheysigaas waxaa la filayaa in isbuucyada soo socdo ay ku duulaan xarunta ururka daacish.
Maalmihii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale dhanka galbeed ee Raqa gaaray ciidamada ranjeriska Mareykanka oo garabsiinaya maleeshiyaadka SDF ee Kurdiyiinta.
Dagaalka waxaa sidoo kale ka qeybgalaya maleeshiyaadka taageerada ka helaya Turkiga.

Xigashada Sawirka, GySgt Robert B. Brown Jr./US Marine Corps
Maxay mariniska sameynayaan?
Saraakiisha waaxda difaaca waxay wargeyska Washington Post u sheegeen in ciidamada mariniska ay ka soo tageen xaruntooda San Diego, ayna sii mareen Jabuuti.
Qaar ka mid ahna waxay sii mareen xarunta ciidamada Mareykanka ee Kuwayd.
Waxay sameyndoonaan madaafiic laga gano gantaallo aad u culus oo lagu duqeeyo fariisimaha daacish, sida saraakiishu sheegeen.
Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee dagaalka kula jiro daacish, koroneel John Dorrian, wuxuu wakaaladda wararka Reuters u sheegay in madaafiicda ay gacan ka geysan doonaan in daacish laga saaro Raqa.
"Waxaa diyaarsanay arrin aan ku tilmaami karno olole miro dhal noqon doona oo aan ku baabi'ineyno cadowgeena. Waxaana ku xoojineynaa awoodeena".

Xigashada Sawirka, Reuters
Siduu u socdaa ololaha dib loogu qabsanayo Raqa?
Koroneel Dorrian wuxuu sheegay in howlgalka hadda socdo, oo magaalada la hareereeyay oo bilowday November, inuu si wanaagsan u socdo.
Wuxuu intaa raaciyay in isbuucyo gudahood lagu soo afjarayo howlgalkaasi. "Ka dib waxaan gaareynaa go'aanka aan horey ugu dhaqaaqeyno", ayuu yiri.
Horraantii isbuucan, SDF waxay jartay wadada ugu weyn ee gasho magaalada Raqa, taas oo d isku xireysay dagaalyahanada ku jiro Raqa iyo deegaanada kale ee ay maamulaan.
Si kastaba, wargeyska The New York Times ayaa soo xigtay saraakiil sheegaya in qiyaastii 4,000 oo dagaalyahan mintidiin ah ay ku jiraan gudaha Raqa.
Magaaladaasi ayaa si buuxda ugu jirto gacanta ururka la baxay Khilaafada Islaamka, tan iyo 2014-kii.
Waxay Raqa ka dhigteen caasimadda "Khilaafada islaamka", oo uu hogaamiyo Abubakar Al-Baqdadi.

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, AP











