You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qarax ka dhacay Muqdisho
Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay suuq yar oo ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Warkaas waxaa BBC-da u xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah.
Saraakiisha caafimaadka ee isbitaal Madiino ayaa BBC da u sheegay in 47 qof oo dhaawacyo qaba la soo gaarsiiyay isbitaalkooda, hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in dad kale oo dheeraad ah ay dhaawacyada u dhinteen.
Weli ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, dawladda Soomaaliyana weli kama hadlin.
Ciidamada dawladda ayaa la soo sheegayaa inay ku sugan yihiin goobta uu qaraxu ka dhacay.